{"id":180666,"date":"2024-04-26T11:09:21","date_gmt":"2024-04-26T08:09:21","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=180666"},"modified":"2024-04-26T11:09:21","modified_gmt":"2024-04-26T08:09:21","slug":"mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/","title":{"rendered":"Mahathir Mohamad &#038; labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-180667\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1000\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp 1600w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-300x188.webp 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-1024x640.webp 1024w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-768x480.webp 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-1536x960.webp 1536w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-696x435.webp 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-1068x668.webp 1068w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1-672x420.webp 672w\" sizes=\"(max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.<\/p>\n<p>Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan hantidiisa gudaha iyo dibadda dalka, taasi oo qayb ka ah baaritaan la xiriira soo shaac-bixidii warqadaha sirta ah ee loo yaqaan Panama Papers.<\/p>\n<p>Madaxa MACC, Azam Baki ayaa maanta oo Jimco ah weriyayaasha ugu sheegay gobolka waqooyi bari ee Kelantan in Mahathir sidoo kale la baarayo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan rabaa inaan xaqiijiyo in isaga (Mahatir) uu ka mid yahay dadka la baarayo. Tani waxay daba socotaa baaritaan lagu sameeyay wiilashiisa,\u201d ayuu ku yiri hadal laga baahiyey teleefishinka.<\/p>\n<p>\u201cLabada wiil waxaa la siiyay ogeysiis ah inay caddeeyaan hantidooda,\u201d ayuu raaciyey isaga oo diiday inuu bixiyo faah-faahin.<\/p>\n<p>Qof kaaliye u ah Mahathir ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin \u201cin aan weli la soo saarin ogeysiis rasmi ah oo ka dhan ah Mahathir oo lagu wargelinayo ra\u2019iisal wasaarihii hore wax baaritaan ah\u201d.<\/p>\n<p>Mahathir, oo 98 jir ah, waa nin ay siyaasad ahaan xafiiltamaan, aadna u dhaleeceeya Ra\u2019iisul Wasaare Anwar Ibrahim, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo wacad ku maray inuu meesha ka saari doono musuq-maasuqa heerka sare ah.<\/p>\n<p>Guddiga MACC ayaa sheegay inuu bishii August 2022 baaritaan ku billaabay \u201chay\u2019ado lala xiriiriyey ama lagu xusay\u201d Waraaqaha Pandora iyo Panama, kuwaas oo kashifay canshuur bixin ka dhuumashada maalqabeenada iyo dadka awoodda leh ee caalamka oo dhan.<\/p>\n<p>Bishii Febraayo, MACC waxay dacwad ku soo oogeen wasiirkii hore ee maaliyadda Daim Zainuddin iyo xaaskiisa sababo la xiriira inay ku guuldareysteen inay shaaciyaan hantidooda. Daim waa saaxiib aad ugu dhow Mahathir.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka. Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":180667,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-180666","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Mahathir Mohamad &amp; labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Mahathir Mohamad &amp; labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka. Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-04-26T08:09:21+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1600\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1000\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/\",\"name\":\"Mahathir Mohamad & labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp\",\"datePublished\":\"2024-04-26T08:09:21+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp\",\"width\":1600,\"height\":1000},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Mahathir Mohamad &#038; labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Mahathir Mohamad & labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Mahathir Mohamad & labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan - Wardoon","og_description":"Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka. Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-04-26T08:09:21+00:00","og_image":[{"width":1600,"height":1000,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/","name":"Mahathir Mohamad & labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp","datePublished":"2024-04-26T08:09:21+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/a1ebab7c-mirzan-mahathir-mokhzani-collage-260324-1.webp","width":1600,"height":1000},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/mahathir-mohamad-labadiisa-wiil-oo-lagu-bilaabay-baaritaan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Mahathir Mohamad &#038; labadiisa Wiil oo lagu bilaabay baaritaan"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/180666"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=180666"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/180666\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":180668,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/180666\/revisions\/180668"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/180667"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=180666"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=180666"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=180666"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}