{"id":182414,"date":"2024-09-06T11:05:04","date_gmt":"2024-09-06T08:05:04","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=182414"},"modified":"2024-09-06T11:26:52","modified_gmt":"2024-09-06T08:26:52","slug":"boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/","title":{"rendered":"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-182415\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-300x169.webp 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-768x432.webp 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-696x392.webp 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Haweeney ganacsato ah isla markaasna isku tilmaantay \u201cBoqoradda khashinka\u201d ee Sweden ayaa lagu maxkamadeynayaa dalkaas, iyadoo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah khashin aad u fara badan oo sida buuro oo kale ah ugu daadisay xaafado iyo deegaanno la ilaaliyo, waana dembigii ugu weynaa abid ee dhanka deegaanka ee dalkaas.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Bella Nilsson waa mid ka mid ah 11 qof oo iyagu lagu eedeeyay \u201cdembi deegaan oo daran\u201d.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Waxay haweeneydan ahayd madaxa shirkadda khashinka ee NMT Think Pink, taasoo lagu eedeeyay inay 200,000 oo tan oo khashin ah ku daadisay 21 deegaan intii u dhaxeysay 2015 iyo 2020, khashinkaas oo goobihii lagu daadiyay ka dhigay sida buuro oo kale.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Qareennada Ms Nilsson oo haatan lagu magacaabo Fariba Vancor, iyo qof kale oo madax hore ahaa Leif-Ivan Karlsson ayaa sheegay inay dadkan beeninayaan inay wax dembi ah galeen.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Iyadoo sii galeysa maxkamadda degmada Attunda ee waqooyiga Stockholm, ayaa Ms Nilsson waxay diidday inay ka jawaabto su&#8217;aalaha weriyeyaasha.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in qaabka ay shirkaddu u maareysay khashinka ay sababtay khatar dhanka kiimiko kansar sababi karta iyo maaddooyin kale oo sun ah sida lead, arsenic iyo mercury oo lagu sii daayay hawada, ciidda iyo biyaha.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Shirkadda Think Pink ayaa mar khashin fara badan ku daadisay meel u dhow xarun waxyaabaha dabiiciga ah lagu keydiyo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Ms Nilsson ayaa hore warbaahinta Sweden ugu sheegtay in shirkaddeeda ay raacday sharciga.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in NMT Think Pink \u2013 oo musallaftay sanadkii 2020 markii Bella Nilsson la xiray &#8211; aysan \u201cwax dan ah ka gelin amaba aysan awood u yeelan inay maareyso [khashinka] iyadoo ku dabakheysa sharciga deegaanka\u201d.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Habka khashinka loogu daadiyay meelaha ayaa halis geliyay &#8220;caafimaadka bani&#8217;aadamka, xayawaannada iyo dhirta&#8221;, ayay intaa raaciyeen.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Think Pink ayaa waxaa kireysan jiray oo shaqaaleysiin jiray shirkadaha, dowladaha hoose iyo shakhsiyaad gaar ah, si wax walba oo khashin ah gaar ahaan kuwa meelaha dhismaha, korontada, biraha, caagadaha, alwaaxa, taayirrada iyo qalabka ay carruurta ku dheelaan ay uga uruuriyaan una soo daadiyaan. Balse buuro khashin ah ayay deegaanno ku daadiyeen ugana tageen, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dhammaanba 11-ka eedeysane ayaa beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen. Waxaa ka mid ah seygii hore ee Bella Nilsson, Thomas Nilsson, kaasoo qareenkiisa uu sheegay inuu madax ahaa kahor 2015 isla markaana uusan shaqo ku lahayn markii dembiyadaas la galay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Baaritaan horudhac ah oo lagu sameeyay arrintan ayaa waxaa lagu soo koobay ilaa 45,000 bog.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dacwad-ooge Anders Gustafsson ayaa ku doodaya in si la mid ah khashin la daadiyo, ay eedeysanayaasha been-abuur ku sameeyeen dukumentiyo si ay u marin-habaabiyaan dowladda ayna u sameeyaan lacag loo adeegsaday dano gaar ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dhowr dowlado-hoose ayaa doonaya magdhow gaaraya 260m kronor ($25.4 milyan) si loo nadiifiyo buuraha khashinka ah iyo sidoo kale nadiifinta goobahaas.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dowladda hoose ee Botkyrka, ee koofurta Stockholm, ayaa iyadana dooneysa 125m kronor sababo la xiriira waxyeellada soo gaartay, iyadoo in ka badan intaas ku kharash gareysay ka saaridda wasakhda goobaha lagu daadiyay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dab ka kacay Kagghamra ayaa ku qasbay waaliddiinta inay carruurtooda guryaha ku hayaan iyagoo dhowr meyl u jiray sababo la xiriira qiiqa sunta ah ee kasoo baxayay goobaha ay shirkaddan ku daadisay khashinka.<\/span><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"'Queen of Trash' in dock in Sweden's biggest toxic waste scandal \u2022 FRANCE 24 English\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/2G9R_hbEtbU\" width=\"853\" height=\"480\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-182416\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/ebbb6680-6aca-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg.webp\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/ebbb6680-6aca-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg.webp 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/ebbb6680-6aca-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-300x169.webp 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/ebbb6680-6aca-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-768x432.webp 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/ebbb6680-6aca-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-696x392.webp 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/ebbb6680-6aca-11ef-8c32-f3c2bc7494c6.jpg-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haweeney ganacsato ah isla markaasna isku tilmaantay \u201cBoqoradda khashinka\u201d ee Sweden ayaa lagu maxkamadeynayaa dalkaas, iyadoo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah khashin aad u fara badan oo sida buuro oo kale ah ugu daadisay xaafado iyo deegaanno la ilaaliyo, waana dembigii ugu weynaa abid ee dhanka deegaanka ee dalkaas. Bella Nilsson waa mid ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":182415,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-182414","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Haweeney ganacsato ah isla markaasna isku tilmaantay \u201cBoqoradda khashinka\u201d ee Sweden ayaa lagu maxkamadeynayaa dalkaas, iyadoo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah khashin aad u fara badan oo sida buuro oo kale ah ugu daadisay xaafado iyo deegaanno la ilaaliyo, waana dembigii ugu weynaa abid ee dhanka deegaanka ee dalkaas. Bella Nilsson waa mid ka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-09-06T08:05:04+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2024-09-06T08:26:52+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"800\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"450\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/\",\"name\":\"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\",\"datePublished\":\"2024-09-06T08:05:04+00:00\",\"dateModified\":\"2024-09-06T08:26:52+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp\",\"width\":800,\"height\":450},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden - Wardoon","og_description":"Haweeney ganacsato ah isla markaasna isku tilmaantay \u201cBoqoradda khashinka\u201d ee Sweden ayaa lagu maxkamadeynayaa dalkaas, iyadoo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah khashin aad u fara badan oo sida buuro oo kale ah ugu daadisay xaafado iyo deegaanno la ilaaliyo, waana dembigii ugu weynaa abid ee dhanka deegaanka ee dalkaas. Bella Nilsson waa mid ka [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-09-06T08:05:04+00:00","article_modified_time":"2024-09-06T08:26:52+00:00","og_image":[{"width":800,"height":450,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/","name":"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","datePublished":"2024-09-06T08:05:04+00:00","dateModified":"2024-09-06T08:26:52+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/bdaf8730-6aca-11ef-b43e-6916dcba5cbf.jpg.webp","width":800,"height":450},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/boqoradda-khashinka-oo-lagu-xiray-sweden\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Boqoradda khashinka oo lagu xiray Sweden"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182414"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=182414"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182414\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":182418,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182414\/revisions\/182418"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/182415"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=182414"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=182414"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=182414"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}