{"id":182800,"date":"2024-09-30T11:16:27","date_gmt":"2024-09-30T08:16:27","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=182800"},"modified":"2024-09-30T11:16:27","modified_gmt":"2024-09-30T08:16:27","slug":"sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/","title":{"rendered":"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-1151pbn ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<h1 id=\"content\" class=\"bbc-csfh25 e1p3vdyi0\" tabindex=\"-1\"><\/h1>\n<\/div>\n<figure class=\"bbc-1qn0xuy\">\n<div class=\"bbc-j1srjl\">\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"bbc-139onq\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/00a0\/live\/2984a6d0-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp\" sizes=\"(min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/240\/cpsprodpb\/00a0\/live\/2984a6d0-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/320\/cpsprodpb\/00a0\/live\/2984a6d0-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/480\/cpsprodpb\/00a0\/live\/2984a6d0-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/624\/cpsprodpb\/00a0\/live\/2984a6d0-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/800\/cpsprodpb\/00a0\/live\/2984a6d0-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 800w\" alt=\"Lubnaan\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/p>\n<p class=\"bbc-nyj3yn\" role=\"text\"><b style=\"font-family: Verdana, BlinkMacSystemFont, -apple-system, 'Segoe UI', Roboto, Oxygen, Ubuntu, Cantarell, 'Open Sans', 'Helvetica Neue', sans-serif;\">Kooxda Xisbullah soddon iyo labadii sano ee la soo dhaafay ma aqoon hoggaamiye iyo xoghaye guud oo an ahayn Xasan Nasrallah oo jimcihii la soo dhaafay lagu dilay weerarro ay Israa\u2019iil la beegsatay xarunta dhexe ee xisbiga oo ku taalla duleedka koonfuteed ee Beyruut.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Tan iyo 1992-kii, Nasrallah waxa uu ahaa wejiga ugu weyn ee xisbiga iyo kan ugu sarreeya heerarkiisa, isagoo haya jagada xoghaye guud ee saddexaad ka dib dilkii loo geystay xoghayihii isaga ka horreeyay, Cabbaas al-Musawi.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Hadda oo jagadani bannaan tahay, hawsha doorashada qofka beddeli doona Nasrallah ayaa laga yaabaa inay noqoto mid ka mid ah mudnaanta ugu muhiimsan ee Xisbullah xilligan.<\/p>\n<\/div>\n<section class=\"bbc-1n4f7vm ebmt73l0\" dir=\"ltr\" role=\"region\" aria-label=\"Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan\">\u00a0<\/section>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Waa-maxay-habka-lagu-dooranayo-Xoghayaha-Guud-ee-Xisbullah\" class=\"bbc-1aaitma eglt09e0\" tabindex=\"-1\">Waa maxay habka lagu dooranayo Xoghayaha Guud ee Xisbullah?<\/h2>\n<\/div>\n<figure class=\"bbc-1qn0xuy\">\n<div class=\"bbc-18ywsw9\">\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"bbc-139onq\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/0173\/live\/75e877e0-7ee3-11ef-bf4b-ef19cfbf3842.jpg.webp\" sizes=\"(min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/240\/cpsprodpb\/0173\/live\/75e877e0-7ee3-11ef-bf4b-ef19cfbf3842.jpg.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/320\/cpsprodpb\/0173\/live\/75e877e0-7ee3-11ef-bf4b-ef19cfbf3842.jpg.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/480\/cpsprodpb\/0173\/live\/75e877e0-7ee3-11ef-bf4b-ef19cfbf3842.jpg.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/624\/cpsprodpb\/0173\/live\/75e877e0-7ee3-11ef-bf4b-ef19cfbf3842.jpg.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/800\/cpsprodpb\/0173\/live\/75e877e0-7ee3-11ef-bf4b-ef19cfbf3842.jpg.webp 800w\" alt=\"Lubnaan\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/p>\n<p class=\"bbc-nyj3yn\" role=\"text\"><span class=\"bbc-m04vo2\">Xigashada Sawirka,<\/span><span lang=\"en-GB\">Getty Images<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka xisbiga, xoghayaha cusub waxa la dooranayaa ka dib markii ay doortaan xubnaha golaha shuurada oo ka kooban todoba xubnood, kuwaas oo mid kastaa masuul ka yahay fayl gaar ah oo xisbiga u gaarka ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Qoraaga siyaasadda Qaasim Qasiir ayaa ku tilmaamay inay tahay \u201cGolaha Shuurada ee leh go\u2019aan-qaadashada\u201d. Qasiir oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in golaha shuurada ay yihiin kuwa qabta hoggaanka ugu sarreeya ee xisbiga, waxaana inta badan lagu soo doortaa shirweynaha golaha dhexe, kaasoo ay ka kooban yihiin kaadiriin iyo hoggaamiyeyaal Xisbullah ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Qasiir, ayaa sheegay in shirkan uusan qabsoomin muddo sanado ah, sababo la xiriira xaaladaha dagaalka ee Suuriya iyo Lubnaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dallada Golaha Shuurada, xisbigu wuxuu leeyahay shan gole ah oo waaweyn oo kala ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Golaha fulinta, Golaha Garsoorka, Golaha Baarlamaanka, Golaha Siyaasadda, Golaha Jihaadka, oo u xilsaaran dhaqdhaqaaqyada ciidan ee xisbiga.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Xubnaha Golaha Shuurada ee hadda jira waa madaxda golayaashan waaweyn. ragga caanka ka ah Xisbullah ee haya xilalka muhimka ee sare waxaa ka mid ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Golaha Shuurada, Naciim Qaasim, ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga, Mohammad Yazbek, madaxa golaha garsoorka, Ibraahim Amiin Al-sayid, madaxa golaha siyaasadda, Hashem Safi al-Diin oo ah madaxa golaha fulinta, Xuseen Khaliil, kaaliyaha siyaasadda ee Xoghayaha Guud iyo Mohammad Raad, madaxa golaha baarlamaanka iyo madaxa kooxda daacada u ah kooxda iska caabinta, kaas oo ah garabka siyaasadeed ee Xisbullah ee baarlamaanka Lubnaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Qoraa Qasiir, ayaa rajaynaya in Xizbullah aysan qaban doorashoyin xilliyada soo socda si ay u doortaan xoghaye cusub oo xisbiga ah, waxaana howlahaas loo dhiibi doonaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga Naciim Qaasim, ilaa laga dhameeyo xaaladaha dagaal ee hadda jirta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Astaamaha-Xoghayaha-Guud-ee-Xisbullah\" class=\"bbc-1aaitma eglt09e0\" tabindex=\"-1\">Astaamaha Xoghayaha Guud ee Xisbullah<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Ururka Xisbullah waxaa la aasaasay horraantii 1980-meeyadii, waana koox siyaasadeed oo Shiico ah oo hubaysan oo ay hogaaminayaan wadaado aaminsan go\u2019aankooda ku aaddan mabda\u2019a \u201cilaalinta sharciga,\u201d aragti uu aasaasay hoggaamiyihii sare ee Iran Ruxuollah Khumani ka dib sanadkii 1979-kii Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Haddaba, sifooyinka ugu caansan ee looga baahan yahay qofka qabanaya xilka madaxnimada xoghaynta Xisbullah waxaa ka mid ah inuu wadaad yahay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sidaas waxa xaqiijiyey Cali Shukr, oo ah cilmi-baadhaha xiriirkaa caalamiga ah ee xarunta warfaafinta Carabta ee Beyruut, oo BBC-da u sheegay: \u201cDhammaan xubnaha golaha shuurada waxa ay awood u leeyihiin in ay hoggaanka xisbiga qabtaan, sidaa awgeedna xoghayaha guud waa in uu si dabiici ah u noqdaa wadaad khibrad u lahaa in uu xisbiga ka soo shaqeeyo muddo, awood jireed iyo mid maskaxeedna ku filan maamulida iyo hogaamintaba\u201d.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Xaaladda hadda ka jirta Lubnaan waxay u baahan tahay in la doorto qof awood u leh inuu maareeyo dhibaatada si xikmad leh, aragti dheer, iyo maamul sare, isla markaana leh go&#8217;aan qaadasho,&#8221; ayuu yiri Wissam Nassif, aqoonyahan iyo cilmi-baare xiriirka caalamiga ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Nassif, oo sannado badan la socday galka Xisbullah, ayaa BBC-da u sheegay, &#8220;Doorashada xoghayaha cusub ee xisbiga ma aha go&#8217;aan sahlan, sababtoo ah waxay u baahan tahay in la doorto qof hoggaamineed oo leh joogitaan gaar ah iyo xikmad sare.&#8221;<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Wuxuu intaa raaciyey Nassif, inuu aaminsan in muddooyinka soo socda la dooran karo xoghaye cusub oo xisbigaasi yeelan doona, balse arrintu waxay ku xiran tahay xaaladda gudaha ee golaha shuurada.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">&#8220;Tiro cusub ayaa la dooran karaa iyada oo aan la shaacin wakhtigan iyada oo laga baqayo in Israa&#8217;iil ay beegsato.&#8221;ayuu intaa raaciyey.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Ducada-Iiraan-iyo-doorashada-hoggaamiyaha-cusub-ee-Xisbullah\" class=\"bbc-1aaitma eglt09e0\" tabindex=\"-1\">&#8220;Ducada Iiraan&#8221; iyo doorashada hoggaamiyaha cusub ee Xisbullah<\/h2>\n<\/div>\n<figure class=\"bbc-1qn0xuy\">\n<div class=\"bbc-18ywsw9\">\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"bbc-139onq\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/73d3\/live\/c35c8070-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp\" sizes=\"(min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/240\/cpsprodpb\/73d3\/live\/c35c8070-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/320\/cpsprodpb\/73d3\/live\/c35c8070-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/480\/cpsprodpb\/73d3\/live\/c35c8070-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/624\/cpsprodpb\/73d3\/live\/c35c8070-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/800\/cpsprodpb\/73d3\/live\/c35c8070-7ee3-11ef-b66d-034eed51208d.jpg.webp 800w\" alt=\"Lubnaan\" width=\"976\" height=\"549\" \/><\/p>\n<p class=\"bbc-nyj3yn\" role=\"text\"><span class=\"bbc-m04vo2\">Xigashada Sawirka,<\/span><span lang=\"en-GB\">Getty Images<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/figure>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Xisbullah ayaa dalal badan oo reer galbeedka ah u aqoonsan yihiin urur argagixiso, iyadoo loo tixgeliyo &#8220;koox iska caabbin sharci ah&#8221; ee Lubnaan, waxay taageero iyo maalgelin weyn ka heshaa Iiraan. Sidaa darteed, goobjoogayaashu waxay aaminsan yihiin in xulashada hogaamiyaha cusub ee Xisbullah lagu samayn doono &#8221; barako Iran.&#8221; Sida uu qabo Cali Shukr oo ah cilmi-baare dhinaca xidhiidhka caalamiga ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Balse qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed Faysal Cabdul Sater, oo ay isku dhow yihiin Xisbullah, ayaa khilaafsan aragtidan, isagoo BBC u sheegay: &#8220;Xulashada Xoghayaha Guud ee cusub ee Xisbullah waa arrin gudaha u ah xisbiga, shaqo kuma lahan Iran,\u201d isagoo xusay in xubnaha golaha shuurada ay horay u doorteen xoghaye guud Xasan Nasrallah kaddib dilkii Cabaas Al-Musawi oo sidoo kale ay doorteen xubnaha golaha.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sidaa darteed wuxuu tilmaamayaa in xubnaha xisbigu &#8220;ay dib u qaadan doonaan qaab la mid ah si ay u doortaan Xoghayaha Guud ee cusub, xitaa haddii wakhtigan xaadirka ah aanu ku habboonayn,&#8221; laakiin ma filayo inay wakhti badan qaadan doonto.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sannadkii 1992-kii, xoghayihii labaad ee xisbigaas, Cabaas Al-Moussawi, ayaa la dilay isaga, xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, kaddib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa\u2019iil ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday xilli uu ka soo laabtay magaalada Jebchit, halkaasoo uu kaga qayb-galayay sannad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Maalin kadib dilkii al-Moussawi, golaha shuurada waxay si aqlabiyad ah ugu doorteen Xasan Nasrallah, oo markaas ahaa nin dhalinyaro ah oo 32 sano jir ah, kaas oo ugu danbayn isagan Israa\u2019iil ay dileen jimcihii la soo dhaafay.<\/p>\n<\/div>\n<p dir=\"ltr\"><strong>Xigasho BBC\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Xisbullah soddon iyo labadii sano ee la soo dhaafay ma aqoon hoggaamiye iyo xoghaye guud oo an ahayn Xasan Nasrallah oo jimcihii la soo dhaafay lagu dilay weerarro ay Israa\u2019iil la beegsatay xarunta dhexe ee xisbiga oo ku taalla duleedka koonfuteed ee Beyruut. Tan iyo 1992-kii, Nasrallah waxa uu ahaa wejiga ugu weyn ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":182803,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-182800","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Kooxda Xisbullah soddon iyo labadii sano ee la soo dhaafay ma aqoon hoggaamiye iyo xoghaye guud oo an ahayn Xasan Nasrallah oo jimcihii la soo dhaafay lagu dilay weerarro ay Israa\u2019iil la beegsatay xarunta dhexe ee xisbiga oo ku taalla duleedka koonfuteed ee Beyruut. Tan iyo 1992-kii, Nasrallah waxa uu ahaa wejiga ugu weyn ee [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-09-30T08:16:27+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1430\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"808\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/\",\"name\":\"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png\",\"datePublished\":\"2024-09-30T08:16:27+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png\",\"width\":1430,\"height\":808},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub - Wardoon","og_description":"Kooxda Xisbullah soddon iyo labadii sano ee la soo dhaafay ma aqoon hoggaamiye iyo xoghaye guud oo an ahayn Xasan Nasrallah oo jimcihii la soo dhaafay lagu dilay weerarro ay Israa\u2019iil la beegsatay xarunta dhexe ee xisbiga oo ku taalla duleedka koonfuteed ee Beyruut. Tan iyo 1992-kii, Nasrallah waxa uu ahaa wejiga ugu weyn ee [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-09-30T08:16:27+00:00","og_image":[{"width":1430,"height":808,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/","name":"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png","datePublished":"2024-09-30T08:16:27+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/09\/Screenshot-2024-09-30-at-09.14.36.png","width":1430,"height":808},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/sidee-ayay-xisbullah-u-doorataa-hoggaamiyaheeda-cusub\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Sidee ayay Xisbullah u doorataa hoggaamiyaheeda cusub"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182800"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=182800"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182800\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":182804,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/182800\/revisions\/182804"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/182803"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=182800"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=182800"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=182800"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}