{"id":185387,"date":"2025-02-11T12:57:46","date_gmt":"2025-02-11T09:57:46","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=185387"},"modified":"2025-02-12T13:30:24","modified_gmt":"2025-02-12T10:30:24","slug":"william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/","title":{"rendered":"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-185388\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/202527638745015871842172.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"451\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/202527638745015871842172.jpg 660w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/202527638745015871842172-300x205.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/202527638745015871842172-218x150.jpg 218w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/202527638745015871842172-615x420.jpg 615w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/>Madaxda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka falceliyay cambaareyn ku aaddan tallaabo uu dhowaan madaxweynaha Kenya meesha uga saaray hannaan muddo dheer ka jiray gobolka oo lagu xaqiijinayay dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tegay qeybo ka mid ah gobolka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallo uu ku doonay inuu ku mideeyo gobollada iyo fulinta ballanqaadyadiisii xilligii doorashada ee dhanka horumarinta.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Madaxweynaha oo booqday magaalooyinka Garissa, Mandera, Wajir iyo Isiolo ayaa furay xafiiska laanta socdaalka Garissa oo muddo xirnaa, isagoo sidoo kalena meesha ka saaray hannaanka xaqiijinta dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya oo muddo 60 sano ah ka jiray gobolka.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Hannaankan oo ah mid xaqiijin ah oo dadka lagu weydiin jiray su\u2019aalo dheeraad ah loogana baahnaa turxaan-bixin dheeraad ah ayaa keliya ka jiray deegaannada xudduudaha iyo gobolka Waqooyi Bari Kenya, in muddo ah ayaana waxaa ka cabanayay dadka gobolka oo sheegay inay ku adkeyd inay qaataan kaarka si ka duwan muwaadiniinta kale ee Kenya.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-185389\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1290\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg 1600w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-300x242.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-1024x826.jpg 1024w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-768x619.jpg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-1536x1238.jpg 1536w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-696x561.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-1068x861.jpg 1068w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7-521x420.jpg 521w\" sizes=\"(max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/><\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Hase yeshee, tallaabadan ayaa waxaa laga keenay walaac dhanka amniga ah, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay su\u2019aal gelinayaan qaabka kale ee lagu xaqiijinayo dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Barasaabka gobolka Trans Nzoia George Natembeya oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa ka digay \u201cin hannaankan oo meesha laga saaro ay saameyn amni oo ba\u2019an ku yeelan karo dalka.\u201d<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Ninkan oo hore guddoomiye uga ahaa gobolka Rift Valley ayaa ku dooday in madaxweyneyaashii hore ay sababo sax ah u heysteen inuu sii jiro hannaankan.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"color: #202020;\">\u201c<span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Haddii aad dadka u oggolaato inay iska soo galaan oo ay qaataan kaararka aqoonsiga iyadoo aan xaqiijin la marin, sidee ku kala saareysaa Soomaaliga ka yimid Soomaaliya iyo kan ku dhashay kuna barbaaray Wajeer, Garissa, Mandera, ama Trans Nzoia? Wax farqi ah ma jiro\u2014qabaa\u2019illadu waa isku mid, luqaddu waa isku mid, diintu waa isku mid, dhaqankuna waa isku mid,\u201d ayuu yiri mar uu la hadlayay warbaahinta Kenya.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Guddoomiye ku xigeenka is-maamulka Wajeer, Axmed Maxamed Cabdi (Caato) ayaa sheegay inay aad usoo dhoweynayaan tallaabada uu madaxweynaha meesha uga saaray hannaanka xaqiijinta qaadashada kaarka aqoonsiga Kenya, wuxuuna beeniyay in taasi ay yeelaneyso cawaaqib-xumo dhanka amniga ah.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"color: #202020;\">\u201c<span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Soomaalidu waa dad reer-guuraa ah oo socodkooda iska badan yahay, mar walbana caqabad dheeraad ah ayay nagu ahayd helitaanka kaararka aqoonsiga ah, waana soo dhoweyneynaa in meesha laga saaro,\u201d ayuu yiri.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Wuxuu sheegay in bulshada Soomaalida ee gobolka la weydiin jiray su\u2019aalo dheeraad ah oo aan la weydiin jiray bulshooyinka kale, haatanna ay ku faraxsan yihiin inay la sinnaanayaan dadka.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"color: #202020;\">\u201c<span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Hannaankan waxba masoo siyaasineyn, waxaana loo isticmaalayay yareynta bulshada Soomaalida ee dalka,\u201d ayuu intaa raaciyay.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Wuxuu xusay in muddo dheer ah ay madaxda gobolka codsanayeen in meesha laga saaro hannaankan, haatanna ay suurto-gashay in codsigooda la fuliyo.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Guddoomiye ku xigeenka ayaa meesha ka saaray in arrintan ay saameyn amni yeelan karto. \u201cAmniga iyo aqoonsiga isma laha. Qofka Soomaaliga ah wuxuu marayaa inta uu mari lahaa qof walboo Kenyaan ah.\u201d Ayuu intaa raaciyay.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wiper, Kalonzo Musyoka, ayaa isna sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay \u201cqorshaha uu Madaxweyne Ruto ku doonayo inuu gobolka ku yeesho awood kahor doorashada madaxtinnimo ee 2027\u201d.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Si kastaba, hoggaamiyeyaasha kale ee taabacsan Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dadka kasoo horjeeda tallaabadan ay doonayaan inay dadka kala qeybiyaan.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"color: #202020;\">\u201c<span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\">Kuwa walaaca ka muujinaya hannaanka kaarka aqoonsiga waxay isku dayayaan inay kala qeybiyaan dalka una adeegsadaan qaab qabiil.\u201d Waxaa sidaa yiri gacan-yaraha Madaxweyne Ruto, Faruk Kibet.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Arrimaha kale ee muhiimka ah ee madaxweynuhu soo jeediyay in wax laga qabanayo waxaa ka mid ah ilaalinta xudduudaha, baasaboorka, amni-darrada, waddooyinka, biyo la\u2019aanta, kaabayaasha dhaqaalaha, macallimiin la\u2019aanta iyo dawo la\u2019aanta ka jirta isbitaallada deegaannada gobolka Waqooyi Bari.<\/span><\/span><\/span><\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"President Ruto's Speech in Garissa Town During His Day 3 N. Eastern Tour -FULL SPEECH\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/kpWkFHtpmKw\" width=\"853\" height=\"480\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong><span style=\"font-family: Arial, sans-serif;\"><span style=\"font-size: large;\"><span style=\"color: #202020;\">Source BBC<\/span><\/span><\/span><\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka falceliyay cambaareyn ku aaddan tallaabo uu dhowaan madaxweynaha Kenya meesha uga saaray hannaan muddo dheer ka jiray gobolka oo lagu xaqiijinayay dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya. &nbsp; Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tegay qeybo ka mid ah gobolka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallo uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":185389,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-185387","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka falceliyay cambaareyn ku aaddan tallaabo uu dhowaan madaxweynaha Kenya meesha uga saaray hannaan muddo dheer ka jiray gobolka oo lagu xaqiijinayay dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya. &nbsp; Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tegay qeybo ka mid ah gobolka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallo uu [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-02-11T09:57:46+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-02-12T10:30:24+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1600\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1290\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/\",\"name\":\"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg\",\"datePublished\":\"2025-02-11T09:57:46+00:00\",\"dateModified\":\"2025-02-12T10:30:24+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg\",\"width\":1600,\"height\":1290},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida - Wardoon","og_description":"Madaxda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka falceliyay cambaareyn ku aaddan tallaabo uu dhowaan madaxweynaha Kenya meesha uga saaray hannaan muddo dheer ka jiray gobolka oo lagu xaqiijinayay dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga Kenya. &nbsp; Madaxweyne William Ruto ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tegay qeybo ka mid ah gobolka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallo uu [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2025-02-11T09:57:46+00:00","article_modified_time":"2025-02-12T10:30:24+00:00","og_image":[{"width":1600,"height":1290,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/","name":"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg","datePublished":"2025-02-11T09:57:46+00:00","dateModified":"2025-02-12T10:30:24+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/02\/09aca811-6a63-4a6f-9d35-6e79ea000bd7.jpg","width":1600,"height":1290},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/william-ruto-oo-kibandhaha-u-fududeeyay-somalida\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"William Ruto oo kibandhaha u fududeeyay Somalida"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/185387"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=185387"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/185387\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":185390,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/185387\/revisions\/185390"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/185389"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=185387"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=185387"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=185387"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}