{"id":186864,"date":"2025-07-23T12:16:50","date_gmt":"2025-07-23T09:16:50","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=186864"},"modified":"2025-07-24T11:04:15","modified_gmt":"2025-07-24T08:04:15","slug":"akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/","title":{"rendered":"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-186831\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"366\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg 660w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288-300x166.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros<\/p>\n<p>Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee T\u00dcRKSOM. Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.<br \/>\nQodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.<\/p>\n<p>Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.<br \/>\nDowladda Federaalka Soomaaliya:<br \/>\n1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la\u2019aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.<br \/>\n2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.<br \/>\n3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go\u2019antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda. Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-0 wp-image-186866\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518423664_1268439118656025_2661562421506063455_n.jpg\" alt=\"\" width=\"763\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518423664_1268439118656025_2661562421506063455_n.jpg 763w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518423664_1268439118656025_2661562421506063455_n-212x300.jpg 212w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518423664_1268439118656025_2661562421506063455_n-723x1024.jpg 723w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518423664_1268439118656025_2661562421506063455_n-696x985.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518423664_1268439118656025_2661562421506063455_n-297x420.jpg 297w\" sizes=\"(max-width: 763px) 100vw, 763px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-186865\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518403148_1268439121989358_1374868250566541861_n.jpg\" alt=\"\" width=\"763\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518403148_1268439121989358_1374868250566541861_n.jpg 763w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518403148_1268439121989358_1374868250566541861_n-212x300.jpg 212w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518403148_1268439121989358_1374868250566541861_n-723x1024.jpg 723w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518403148_1268439121989358_1374868250566541861_n-696x985.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/518403148_1268439121989358_1374868250566541861_n-297x420.jpg 297w\" sizes=\"(max-width: 763px) 100vw, 763px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":186831,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1753262223,"status":"error"},{"account":"twitter_917774835383787521_917774835383787521","service":"twitter","timestamp":1753262223,"status":"error"},{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1753344432,"status":"error"},{"account":"twitter_917774835383787521_917774835383787521","service":"twitter","timestamp":1753344433,"status":"error"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-186864","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-07-23T09:16:50+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-07-24T08:04:15+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"366\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/\",\"name\":\"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg\",\"datePublished\":\"2025-07-23T09:16:50+00:00\",\"dateModified\":\"2025-07-24T08:04:15+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg\",\"width\":660,\"height\":366},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland - Wardoon","og_description":"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros Muqdisho, 23 July 2025: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD. Markabku wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2025-07-23T09:16:50+00:00","article_modified_time":"2025-07-24T08:04:15+00:00","og_image":[{"width":660,"height":366,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/","name":"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg","datePublished":"2025-07-23T09:16:50+00:00","dateModified":"2025-07-24T08:04:15+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/07\/2025721638886767318895288.jpg","width":660,"height":366},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/akhriso-dowlada-somaliya-oo-sheegatay-markabkii-lagu-qabsaday-puntland\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Akhriso Dowlada somaliya oo sheegatay markabkii lagu qabsaday Puntland"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/186864"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=186864"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/186864\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":186867,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/186864\/revisions\/186867"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/186831"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=186864"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=186864"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=186864"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}