{"id":188068,"date":"2025-10-27T21:48:41","date_gmt":"2025-10-27T18:48:41","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=188068"},"modified":"2025-10-27T21:48:41","modified_gmt":"2025-10-27T18:48:41","slug":"xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-188069\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"340\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg 660w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983-300x155.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in qorshaha dal-ku-galka danabaysan ee ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka u socda Somaliland aanu noqon doonin mid lagu faa&#8217;iido.<\/p>\n<p>Guddoomiye Xirsi, oo dibadda kasoo laabtay, ayaa sheegay in uu arkay dad badan oo madaarrada ku dhibaataysan oo lagu haysto arrinta fiisaha, isaga oo tilmaamay in nidaamkani yahay mid loogu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka reer Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u sheegayaa dowladda Soomaaliya iyo inta hagardaamaynaysa gaar ahaan e-visa-da, oo caqabad ku noqotay dadka reer Somaliland, in ay ugu talogaleen inay ku dhibaan shacabka reer Somaliland,&#8221; ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan arkayay dad aan diyaaraddii lasoo raacay oo dhibsanaya arrintan. Waxaan leeyahay, maan filayn in mas\u2019uuliyiinta Soomaaliya ay wali u ciilqabaan dadka reer Somaliland.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu hore u sheegay in aanu reer Somaliland ku dhibaateyn doonin cudud iyo diblumaasiyad midna, balse adeegsiga nidaamka dalku-galka danabaysani uu burrinayo ballanqaadyadii hore ee uu sameeyay.<\/p>\n<p>\u201cAdigay kuu taalla, haddii aad ku adkaysato dhibkan aad ku hayso dadka, qaar hore ayaa dhib dhib u geystay, mana ay ka macaashin. Geesiyaashii SNM ee dalkan xoreeyay waxay ka dhalatay maalintii la yidhi \u2018ha isa soo dhiibaan\u2019 ama \u2018tallaabo kale ma qaadi karaan\u2019. Waxa ka dhalan doona cawaaqib aanad mahadin,\u201d ayuu hadalkiisa sii raaciyay.<\/p>\n<p>Xirsi wuxuu sheegay in shacabka Somaliland adkaysi iyo dulqaad leeyihiin, isla markaana ay dhexda u xidhayaan si ay uga gudbaan caqabad kasta. Sidoo kale, wuxuu si dadban ugu jawaabay Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, oo daraad wareejinta hawada ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi. Wuxuu sheegay in is-eedayn aan loo baahnayn wakhtigan, balse loo baahan yahay isku duubni iyo midnimo.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan hirgelisay nidaam la magac baxay dal-ku-galka danabaysan, kaas oo dadka Somaliland u safraya ku qasbaya inay dal-ku-gal ka dalbadaan hay\u2019adda duulista hawada Soomaaliya iyagoo adeegsanaya mareeg internet ah. Arrintani waxay caqabad weyn ku noqotay shacabka Somaliland, maadaama xukuumadda Somaliland ay si cad u diidan tahay nidaamkaas.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in qorshaha dal-ku-galka danabaysan ee ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka u socda Somaliland aanu noqon doonin mid lagu faa&#8217;iido. Guddoomiye Xirsi, oo dibadda kasoo laabtay, ayaa sheegay in uu arkay dad badan oo madaarrada ku dhibaataysan oo lagu haysto arrinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":188069,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1761590957,"status":"success"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-188068","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in qorshaha dal-ku-galka danabaysan ee ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka u socda Somaliland aanu noqon doonin mid lagu faa&#8217;iido. Guddoomiye Xirsi, oo dibadda kasoo laabtay, ayaa sheegay in uu arkay dad badan oo madaarrada ku dhibaataysan oo lagu haysto arrinta [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-10-27T18:48:41+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"340\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/\",\"name\":\"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg\",\"datePublished\":\"2025-10-27T18:48:41+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg\",\"width\":660,\"height\":340},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya - Wardoon","og_description":"Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in qorshaha dal-ku-galka danabaysan ee ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dadka u socda Somaliland aanu noqon doonin mid lagu faa&#8217;iido. Guddoomiye Xirsi, oo dibadda kasoo laabtay, ayaa sheegay in uu arkay dad badan oo madaarrada ku dhibaataysan oo lagu haysto arrinta [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2025-10-27T18:48:41+00:00","og_image":[{"width":660,"height":340,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/","name":"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg","datePublished":"2025-10-27T18:48:41+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/20251027638971633737812983.jpg","width":660,"height":340},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/xisbiga-waddani-ee-somaliland-oo-digniin-u-diray-dowladda-soomaaliya\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Xisbiga Waddani ee Somaliland oo digniin u diray dowladda Soomaaliya"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/188068"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=188068"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/188068\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":188070,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/188068\/revisions\/188070"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/188069"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=188068"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=188068"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=188068"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}