{"id":192202,"date":"2026-06-18T14:15:05","date_gmt":"2026-06-18T11:15:05","guid":{"rendered":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?p=192202"},"modified":"2026-06-18T14:15:05","modified_gmt":"2026-06-18T11:15:05","slug":"aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/","title":{"rendered":"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan"},"content":{"rendered":"<div class=\"td_block_wrap tdb_title tdi_13 tdb-single-title td-pb-border-top td_block_template_1\" data-td-block-uid=\"tdi_13\">\n<div class=\"tdb-block-inner td-fix-index\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"td_block_wrap tdb_single_author tdi_15 td-pb-border-top td_block_template_1 tdb-post-meta\" data-td-block-uid=\"tdi_15\"><\/div>\n<div class=\"td_block_wrap tdb_single_content tdi_19 td-pb-border-top td_block_template_1 td-post-content tagdiv-type\" data-td-block-uid=\"tdi_19\">\n<div class=\"tdb-block-inner td-fix-index\">\n<p><strong><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/9b48\/live\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp\" alt=\".\" \/><\/strong><\/p>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, waxaana lagu wadaa in dib loogu furo marinka Hormuz.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob oo loo yaqaano is-afgarad, ayaa sheegaya in Iiraan aysan waligeed yeelan doonin hubka Nukliyeerka, sidoo kale waxaa lagu bixinayaa dhaqaale dhan 300 bilyan oo dollar \u201cdib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha\u201d ee dalka inkastoo Mareykanka aan looga baahneyn inuu wax ku biiriyo. Waxay ku soo beegantay afar bilood ka dib markii uu qarxay khilaafka u dhexeeya Iiraan, Maraykanka iyo Israa\u2019iil.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Heshiiska ayuu maamulka Trump uu ku tilmaamay mid ku saleysan wax qabad, iyadoo Iiraan ay ka faa\u2019iideysaneyso kaliya haddii ay u hogaansanto ballanqaadkeeda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Iyadoo qoraalka heshiiska uu ka tegey su\u2019aalo badan oo aan laga jawaabin iyo arrimo badan oo muhiim ah oo aan la xalin, misna waa kuwan waxa aan ka ognahay qaar ka mid ah qodobbada muhiimka ah.<\/p>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-1-Joojinta-khilaafka-dhan-kasta\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 1: Joojinta khilaafka \u2018dhan kasta\u2019<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Cutubka koowaad ee heshiiska waxa uu xusayaa in Maraykanka, Iiraan iyo xulafadiisu ay ku dhawaaqi doonaan \u201csi degdeg ah oo joogto ah\u201d joojinta hawlgallada milatari ee \u201cdhammaan dhinacyada\u201d oo ay ku jirto Lubnaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Marka loo eego dhinaca Maraykanka, Trump waxa uu sii kordhayay walaaca laga qabo in hawlgallada milatari ee Israa\u2019iil ee ka dhanka ah Xisbullah ay uga sii daraan heshiiska Iiraan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Tehran, ayaa dhankeeda, ku celcelisay inay filayso in Lubnaan ay qayb ka noqoto xabbad joojinta.<\/p>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Sii socoshada hawlgallada milatari ee Israa\u2019iil ee Lubnaan waxay noqon doontaa \u201cxadgudubka fahamka\u201d \u201ctallaabooyin lagama maarmaan ah ayaa la qaadi doonaa\u201d ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Arbacadii.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-2-Ixtiraamka-arrimaha-gudaha\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 2: Ixtiraamka \u2018arrimaha gudaha\u2019<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Qoraalka dukumeentiga oo si toos ah loogu akhriyay warfidiyeenka markii waceen saraakiisha Mareykanka ayaa xusaysa in Mareykanka iyo Iiraan ay \u201cixtiraamayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee midba midka kale\u201d ayadoo laga fogaanayo faragelinta arrimaha gudaha ee dhinac kasta.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Tani waxay u badan tahay inay si xun u arki doonaan kooxaha ka soo horjeeda Iiraan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Horraantii sanadkan, Trump waxa uu u ballan qaaday dibad baxayaasha Iiraan in \u201ccaawintu ay jidka ku soo jirto\u201d intii lagu guda jiray mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeeday ee ka dhacay guud ahaan magaalooyinka Iiraan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-3aad-Muddo-60maalmood-ah-oo-la-kordhin-karo\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 3aad: Muddo 60-maalmood ah oo la kordhin karo<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Marka loo eego qodobka saddexaad ee dukumeentiga, Maraykanka iyo Iiraan waxay ballan qaadayaan inay ka wada xaajoodaan oo ay ku gaaraan heshiis kama dambays ah \u201cugu badnaan\u201d 60 maalmood, in kasta oo wakhtigaas la kordhin karo ogolaanshaha labada dhinac.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Tirinta 60-ka maalmood ayaa hadda bilaabatay kadib markii madaxda labada dal ay si rasmi ah u saxiixeen heshiiska is afgaradka ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Trump ayaa dukumentiga Iiraan ku saxiixay xaflad casho ah oo ay yeesheen madaxda G7 oo ka dhacday Palace of Versailles ee Faransiiska habeenkii Arbacada, sida uu Aqalka Cad u sheegay BBC.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Waxaa sidoo kale saxiixay madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, sida uu sheegay Aqalka Cad.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Goor sii horreysay ayaa Trump iyo saraakiisha Iiraan labaduba waxay muujiyeen inay jiri doonto xaflad saxiix ah oo rasmi ah oo ka dhici doonta Geneva dabayaaqada toddobaadkan. Ma cadda in taasi ay wali sii socon doonto hadda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-4-Joojinta-xannibaadda-Maraykanka\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 4: Joojinta xannibaadda Maraykanka.<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Marka heshiiska is-afgaradka la saxiixo, Mareykanku wuxuu billaabi doonaa in uu meesha ka saaro xannibaadda badda iyo \u201cwax kasta oo carqaladayn ama carqalad ah\u201d oo lagu soo rogay dekedaha Iiraan, qodobka afraad ayaa sidaa leh.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Go\u2019doominta ayaa si buuxda u soo afjari doonta muddo 30 maalmood gudahood ah, sida ku cad heshiiska iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan. Inta lagu jiro wakhtigan, tirada maraakiibta uu Maraykanku ogolaado inay maraan dekedaha Iiraan waxay la mid noqon doontaa sidii ay maraakiibtu u mari jireen marin biyoodka Hormuz dagaalka ka hor.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">30 maalmood gudahooda kadib markii heshiiska kama dambaysta ah la saxiixay, Maraykanku waxa uu go\u2019aansaday in uu ciidamada Maraykanka ka saaro \u201cu dhawaanshaha Iiraan\u201d.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Ficil ahaan, tani waxay la macno tahay in millatariga Maraykanku uu ku soo laaban doono qaabkii iyo qalabkii ay ku hayeen ka hor intii aanay dagaalladu bilaaban 28ka Febraayo.<\/p>\n<h2 class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 5: Marinka Hormuz<\/h2>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Qayb ka mid ah heshiiska ayaa xusaysa in marka la saxiixo heshiiska is afgaradka, Iiraan ay \u201csamayn doonto qabanqaabo iyada oo adeegsanaysa dadaalkeeda ugu wanaagsan\u201d si ay u oggolaato in maraakiibta ganacsigu si badbaado leh uga gudbaan marin biyoodka Hormuz \u2013 iyada oo aan wax lacag ah laga qaadin.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Tani waxay ahayd ujeedo muhiim ah oo Maraykanku leeyahay tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, lana xiray marin biyoodka Hormuz, taasoo sare u kacday qiimaha saliidda adduunka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Dukumeentigu wuxuu xusay in gaadiidku ay bilaabi doonaan socodka \u201d isla markiiba\u201d, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo in meesha laga saaro \u201ccaqabadaha\u201d farsamada iyo militariga iyo in la sameeyo hawlgallo miino saarid ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Saraakiishu waxay mar sii horreysay ku celceliyeen in ay caddeeyaan in maraakiibta aan wax lacag ah laga qaadi doonin marka ay marayaan marin-biyoodka Hormuz.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Waqtiga fog, dukumentiga ayaa lagu xusay in Iiraan ay la shaqeyn doonto Cumaan iyo dalalka kale ee Khaliijka si loo dejiyo heshiis \u201cballaaran\u201d oo ku saabsan habka loo maareynayo marin-biyoodka Hormuz.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Maraykanku waxa uu aaminsan yahay in Iiraan ay xuquuqdeeda u soo bandhigi doonto \u201csi uu xoog ku jiro\u201d, balse dalalka Khaliijka \u201caysan waligood\u201d aqbali doonin mustaqbalka kaas oo uu jiro nidaam lacag bixineed, ayuu yiri sarkaalku.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-6-Lacagta-dib-u-dhiska-Iiraan\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 6: Lacagta dib u dhiska Iiraan<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Qodobka lixaad ee Is-afgaradka ayaa sheegaya in Mareykanka iyo saaxiibada gobolka ay sameyn doonaan \u201cqorshe sugan, oo labada dhinacba lagu heshiiyey\u201d oo ku kacaya ugu yaraan $300bn (\u00a3224bn) oo loogu talagalay dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Iiraan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Habka kama dambaysta ah waxaa lagu heshiin doonaa 60 maalmood gudahooda ee heshiiska kama dambaysta ah, waxaana dhammaan shatiyada, dhaafitaanka iyo oggolaanshaha bixin doona Mareykanka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Si kastaba ha ahaatee, tani macnaheedu maaha in Maraykanku ku lug yeelan doono dhaqaale ahaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Mid ka mid ah saraakiisha ayaa xusay in Mareykanka aan looga baahneyn inuu bixiyo \u201chal senti oo lacag ah\u201d ama wax ku biiriyo sanduuqa.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Tusaale ahaan, sarkaalku wuxuu sheegay in haddii Iiraan ay \u201cu dhaqanto si wanaagsan\u201d, mas\u2019uuliyiinta Imaaraadku ay ka dhisi karaan warshad koronto oo uu sidaana raalli ka yahay Maraykanka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Trump iyo mas\u2019uuliyiin kale ayaa aad ugu dheeraaday inay shacabka Mareykanka u caddeeyaan inaysan si toos ah u bixin doonin lacagta Iiraan, taasoo uu maamulku sheegay inuu ka duwan yahay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii dhexmaray Iiraan iyo maamulkii Obama.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-7-Soo-afjaridda-Cunaqabataynta\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 7: Soo afjaridda Cunaqabataynta<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Mareykanka ayaa joojin doona dhammaan cunaqabateynta dhaqaale ee ka dhanka ah Iiraan, oo ay ku jiraan kuwa lagu daray go\u2019aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo kuwa uu Mareykanku keligiis u fuliyo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Waqtiga, si kastaba ha ahaatee, ma cadda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Dukumeentigu wuxuu xusayaa in jadwalka lagu heshiin doono qayb ka mid ah heshiiska kama dambaysta ah, laakiin labada dhinacba waxay qireen rabitaankooda ah inay \u201csi degdeg ah\u201d uga hadlaan arrinta wada xaajoodyada xiga.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-8-Ma-jiro-hub-nukliyeer-ah\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 8: Ma jiro hub nukliyeer ah<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Iiraan ayaa ogolaatay in aysan samaysan ama soo iibsan hubka Nukliyeerka, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay la tacaalaan uranium-ka la tanaadiyey ee Tehran ay horey u heysatay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Habka loo maareynayo maadooyinkaas ma cadda. Dukumeentigu wuxuu xusayaa in habka \u201clagu heshiin doono si labada dhinacba u cuntanta\u201d wadahadalada xiga, waxaana dusha ka ilaalin doonta Hay\u2019adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa arrintan ku tilmaamay \u201chalbeegga ugu yar\u201d iyo \u201cguul weyn\u201d oo u soo hoyatay Maraykanka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Trump ayaa sheegay in ka hortagista Iiraan in ay haysato hubka Nukliyeerka ay tahay \u201c99%\u201d waxa uu rabo markii uu bilaabayey howlgalka Epic Fury horaantii sanadkan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Maadaama uu Maraykanku ku tilmaamay heshiiska mid ku salaysan waxqabad, qaadidda cunaqabataynta ee lagu qeexay qodobka 7 waxay ku xiran tahay Iiraan iyada oo raacaysa qodobka 8.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobbada-9-10-Ismariwaaga\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobbada 9 &amp; 10: Ismariwaaga<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Labada qaybood ee soo socda ee heshiiska ayaa qeexaya in Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyaan \u201cxaaladda\u201d barnaamijkeeda nukliyeerka inta lagu jiro wakhtigan, ilaa uranium-ka la tanaadiyey lagala tacaalayo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Ficil ahaan, tani waxay la macno tahay in Maraykanku aanu ku soo rogi doonin cunaqabatayn cusub. Dhanka kale, waxay soo saari doontaa ka-dhaafitaannada dhoofinta saliidda, batroolka iyo adeegyada kale ee la xiriira, sida macaamilka bangiyada iyo gaadiidka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobka-11-Lacagaha-la-xannibay\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobka 11: Lacagaha la xannibay<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Qodobkani wuxuu caqabad weyn ku noqday wada xaajoodka. Iiraan waxa ay muddo dheer ku adkaysanaysay in hantideeda la xayiray la sii daayo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Qodobka kow iyo tobnaad ee dukumeentigu wuxuu xusayaa in Maraykanku \u201cuu ballan qaadayo inuu si buuxda u diyaariyo lacagaha la xayiray ama la xaddiday\u201d marka MoU la saxiixo iyo in habraacyada lagu heshiiyo inta lagu jiro gorgortanka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Sarkaal Mareykan ah ayaa Arbacadii u sheegay suxufiyiinta in qaar ka mid ah hantida la sii deyn doono inta wadahadallada isfahamka ka dambeeya ay sii socon doonaan in lagu abaalmariyo Iiraan marka ay u hoggaansanto qodobbada heshiiska, sida inay bilowdo inay la tacaasho Yuraaniyaamkeeda aadka loo tayeeyey.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h2 id=\"Qodobbada-1214-Kormeerka-iyo-wada-xaajoodka-ugu-dambeeya\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Qodobbada 12-14 : Kormeerka iyo wada xaajoodka ugu dambeeya<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Qodobbada ugu dambeeya ee dukumeentiga ayaa qeexaya sida uu heshiisku u dhacayo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Waxay sheegeen in Mareykanka iyo Iiraan ay dhisi doonaan \u201cqaab farsamo\u201d si ay ula socdaan dhaqan galka heshiiskii is-afgaradka iyo u hoggaansanaanta heshiiska mustaqbalka, inkastoo aan la ogeyn sida ay tani u ekaan doonto ficil ahaan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Intaa dabadeed, marka heshiiska isafgaradka la saxiixo oo la bilaabo dhaqangelintiisa, Mareykanka iyo Iiraan waxay billaabi doonaan wada xaajoodka heshiis kama dambays ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Ugu dambeyntiina Isafgaradku wuxuu qeexayaa in heshiiska ugu dambeeya lagu ansixin doono qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><strong><br \/>\n=XIGASHO BBC SOMALI=<\/strong><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":192203,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"no","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[{"account":"facebook_10221280388112155_325455220908133","service":"facebook","timestamp":1781781318,"status":"error"}],"rop_publish_now_status":"done","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-192202","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-06-18T11:15:05+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"408\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"8 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/\",\"name\":\"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp\",\"datePublished\":\"2026-06-18T11:15:05+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp\",\"width\":640,\"height\":408},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan - Wardoon","og_description":"Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2026-06-18T11:15:05+00:00","og_image":[{"width":640,"height":408,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp","type":"image\/webp"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"8 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/","name":"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp","datePublished":"2026-06-18T11:15:05+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/2136e810-6ad9-11f1-b1db-af71d47507d6.jpg.webp","width":640,"height":408},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/aqriso-14ka-qodob-ee-ay-ku-heshiiyeen-maraykanka-iyo-iiraan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/192202"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=192202"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/192202\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":192204,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/192202\/revisions\/192204"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/192203"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=192202"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=192202"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=192202"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}