DAAWO:- 10 Alshabaab ah oo Gaalkacyo lagu toogtay

117

Toban xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saakay lagu toogtay magaalada Gaalkacyo kadib markii ay xukun dil ah ay ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay dambi ah in ay dad badan oo rayid ah iyo dad kaloo masuuliyiin ah ay ku laayeen magaalada Gaalkacyo, ka hor inta aysan laamaha amniga ee Puntland gacanta kusoo dhigin ku dhawaad saddex sano ka hor.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka Puntland ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira saddex ka mid ah kooxdii saakay xukunka lagu fuliyay, balse dhawaan ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo.

Dadka baxsadka ah ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo khatar badan, waxaana abaal-marin loo ballan qaaday ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto.

Xukunkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu badan ee lagu fuliyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo, iyadoo sanadkii 2022-kii uu maamulka Puntland xukun dil ah ku fuliyay 18 xubnood oo Shabaab ah.

Dilkooda ayaa loo arkaa mid dhabar jab weyn ku ah kooxda Al-shabaab oo tan iyo sannadkii 2008-dii ka geysanaysay Waqooyiga Gaalkacyo weeraro iyo dilal qorsheysan.