1000kii askar ee u horeeyay ee AMISOM oo dalka isaga baxaya

1548

Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday inay mar kale dhimeyso Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, si loo gaarsiiyo 19,626 Askari inta aan la gaarin 28-ka Febaraayo sanadka soo socda ee 2020.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Jimcihii shalay isku raacay in 1,000 askari oo hor leh laga saaro dalka, iyadoo aanay si rasmi ah loo sheegin dalka uu noqonayo, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Kenya ama Burundi inay yihiin askarta laga saarayo.

Qorshahan cusub waxaa golaha hor dhigtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada bixiya Dhaqaalaha lagu socodsiiyo howlgalka AMISOM, waxaana dlakan sidoo kale uga sugan Saraakiil tababar siiya Ciidamada Soomaalida ee SNA iyo kuwa AMISOM.

Marka talaabadaas la qaadayo waxaa iyana bar bar socda qorshe ah in la kordhiyo Booliska AMISOM, lana gaarsiiyo ilaa iyo 1040-askari oo Boolis ah.

Taliska AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celiyay in inta aaney dhamaan mudada dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Famaajo ay ammaanka dalka ku wareejinayaan Ciidamada Soomaaliya, iyadoo la dhimayo tirada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee gaaraya 22 kun askari, kuwaasoo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Howlgalkan AMISOM ayaa socda muddo ka badan 11 Sano, iyadoo aan weli laga gaarin natiijo fiican, maadaama Al-Shabaab ay tahay caqabad muuqata oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya, kuwaasoo awooda inay weeraraan xarumaha dowladda iyo AMISOM.