Chelsea Oo Qaadaysa Talaabo Ka Dhan Ah Eden Hazard

1828

Kooxda chelsea ayaa qaadaysa talaabo ka dhan ah xiddigeedii hore ee Eden Hazard maalmo yar kadib markii ay xaqiijisay in uu ka tagay kooxda si uu ugu biiro kooxda Real Madrid.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay garoonkeeda ka jari doonto sawirada xiddiga reer Belguim ee ku yaala kadib markii uu ku biiray kooxda Real Madrid.

Garoonka Stamford Bridge ayaa lagu dhajiyay calan uu ku yaalo sawirka xiddiga reer Belguim kaas oo ku yaala qabta garoonka loo yaqaano Shed End.

28 jirkan ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Los Blancos kadib markii ay kooxdu heshiiskiisa ku dhawaaqday jimcihii isaga oo qalinka ugu duugay heshiis 5 sano ah.

Hazard ayaa fariin qiiro leh ku macasalaameeyay kooxda cheslsea kadib rikoodh cajiib ah oo uu kaag tagay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Blues ayaan guuldaro la kulmin hal kulan oo premier Leageu oo ay ku ciyaaraysay garoonkeeda oo uu waliba gool dhaliyay xiddiga reer Belguim intii uu joogay kooxda.

Laakiin inkasta oo uu rikoodh halyeey ku leeyahay kooxda waxa ay kooxdu go,aansatay in ay ka jarto calanka uu ku sawiran yahay sawirkiisu garoonka Stamford Bridge.

Laakiin waxa mar kale lagu soo celin doonaa calankaas marka uu ka fadhiisto ciyaaraha kubada cagta ama uu dib ugu soo laabto mustaqbalka dhaw.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN