Nin u dhashay UK oo Wasiir ka Noqday dal ku yaalla Afrika

1906

Lee White oo ah nin British oo cadaan ah ayaa loo magacaabah inuu noqdo wasiirka dhirta iyo duurjoogta wadanka Gabon.

Madaxweynaha Gabon, Omar Bongo ayaa Lee White oo ka shaqeeya arrimaha badbaadada duurjoogta u magacaabay xilkaas ka gadaal markii uu shaqada ka eryey ninkii xilkaas hayey oo lagu eedeeyey musuqmaasuq 250 milyan oo doolar oo laga ganacsaday alwaax qaali ah oo laga jaray geedo dhif iyo naadir ah.

Lee White, oo 53, sano jir ah oo ka soo jeeda magaalada Manchester ayaa dalka Gabon tagay sanadkii 1989-kii oo u tagey si uu ugu sameeyo cilmibaaris la xiriirta culuuntiisa Jaamacadda, laakiin wixii xilligaas ka dambeeyey dalkaas ayuu degay kuna guursaday, isagoo qaatay dhalashada Gabon, waxaana uu shaqo ka dhigtay badbaaddada duurjoogta iyo dhirta.

Sanadkii 2009 ayaa loo magacaabay madaxa hay’adda qaran ee beeraha lagu nasto, waxaase aad loogu ammaanay kaalinta uu ka geystay ilaalinta deegaanka.

Madaxweyne Bongo ayaa wacad ku maray inuu ciqaab marin doono dadka ku lugta fadeexadda lagu nabaadguuriyey kumanyaal geedka kevazingo oo loo dhoofin rabay dalka Shiinaha

Bilihii February iyo March masuuliyiinta dalkaas ayaa qabtay 392 kunteenar oo geedahaas si sharci daro ah loo dhoofinayey.

Laba qof oo u dhalatay wadanka Shiinaha ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay, kuwaas oo lagu tuhmayo in ganacsiga geedahaas ku lug leeyihiin.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAAN