Daawo Shactarkii Baraarug oo Hobyo gaaray +Sawirro

3216

Dekadda Magaalada Hobyo waxaa soo gaaray shactarkii Baraarug oo dhawaan lagu farsameyey Magaalada Muqdisho Islamarkaana loogu tala galay in Dadka Galmudug si ku meel gaar ah ay Badeecadaha kula dagaan.

Shactarkaan waxaa Iska Leh ganacsato Reer Galmudug xalay ayuu ku xirtay Marsada Dekadda Hobyo oo howlo dhismo ay ka socdaan.

Waxaana saaran raashin loogu tala galay in lagu taakuleeyo Shacabka Dan yarta ah
Shacabka Magaalada Hobyo Ee Gobolka mudug ayaa si diiran usoo dhaweyey markii ugu Horeysey shactar sida Badeecaddo uu ku soo xirto Dekadda Magaalada Hobyo Mudug.

Dhanka Kale dhawaan ayaa la filayaa in si rasmi ah loo bilaabo dhismaha Dekadda Hobyo,iyadoo dad badan ay udaawasho tegeen Halka Shactarka uu kusoo xirtay Ee Badeecadaha Hobyo usiday.