DAAWO Farmaajo oo ka farxiyey Madaxda goboleedyada

1959

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khud ka jeediyey xidhitaanka shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay in dowladdiisu aysan doonayn muddo kordhin loo sameeyo haatan.

Waxa uu sheegay in aragtidaasi ay qabaan dad badan hasa yeeshee aysan jirin isla markaasna dhinacyada ugu badan ee aaminsanaa in muddo kordhin uu samaynayo madaxweynuhu ay ahaayeen dowladd goboleedyada.

Shirkii Dhuusamareeb 1 ayuu ka hadlay sababaha uu ku yimid, waxaana uu sheegay madaxweyne Farmaajo in shirkaasi ay iskugu tageen madaxweynayaasha dowladd goboleedyada oo aad u cadhaysan isla markaasna ay dhigteen qorshe iyo heshiisyo kala duwan oo iyaga gaar u ah.

“Dhuusamareeb 1 waxay ahayd inay u midoobaan siday uga hor iman lahaayeen dowladda federaalka ah waxay u arkeen inaysan xal ahayn hadii aan hal mar wada nimaano meeshii markaa inay gaar u showraan oo xeer dhigtaan oo balamo hoose qaataan si ay ugu qasbaan dowladda dhexe waxa ay iyagu rabaan” Ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Kasoo qayb galkii shirkii Dhuusamareeb 2 ayuu sheegay in uu sababay kacdoon xoogan oo lagaga hor yimid madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa, taas badalkeedna maalmo badan ay qaadatay in ay isku tanaasulaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowladd goboleedyada.

“Dhuusamareeb 2 saas ayaan isugu nimid inaan is qancino oo aan wada hadalno oo aan wax meel wada dhigano waxaan u imid dad ii xanaaqsanba oo hal dhinac ah waxaan damcay inaan dhaqaajiyo iyaguna waxay ku tala galeen oo qorshe u samaysteen inay i daaliyaan oo i dhaqaajiyaan waan is dhaqaajin waynay” Ayuu yidhi mar kale madaxweyne Farmaajo.

Is fahan iyo wada tashi dheer oo ay la sameeyey kadib waxaa isku afgartay ayuu yidhi Farmaajo in lasoo xulo gudiyo farsamo si looga tala bixiyo doorashada Soomaaliya dibna la iskugu soo laabto shirka Dhuusamareeb 3, hasa yeeshee madaxdii ka qayb gashay shirarkii hore ay mar kale dib uga baxaan shirka Dhuusamareeb 3.

7 maalmood oo ay socdeen kulamo iyo shirar kala duwan ayaa waxaa la isku af gartay in doorashada Soomaaliya ka dhici doonta ay noqoto deegaano doorasho isla markaasna meesha laga saaro nidaam kale oo ay wateen madaxda dowladd goboleedyada qaarkood sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.4