Akhriso: Somaliland oo Beesha caalamka kudac waysay DF

2464

Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax Shaqo ah ku lahayn Nidaamka Doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo soo saaray ashtako ka dhan ah Dowladda Federaalka loo loo diray Beesha Caalamka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliland oo la ogeeysiiyay QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Guud ahaan Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliland aysan wax Shaqo ah ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliland.

Soomaaliland oo aaminsan inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda waxaa kaloo lagu sheegay in 30 sano, kadib Somaliland ay tahay dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuqraadi ah.

Sidoo kale Soomaaliland waxaa ay sheegtay inay uga baaqeyso Shacabka ku nool degaannada Soomaaliland inay ka feejignaadaan cid kasta oo cadaw ku ah, isla markaana hal meel uga soo wada jeestaan.