Isku Aadka Wareega Group-yada Champions League oo lasoosaaray

3192

Waxaa goor dhaweyd la sameeyay isku aadka wareega group-yada Champions League oo dhameystiran iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso badan.

Group-ka dhimashada waxa uu noqday Group H oo ay isku arkayaan kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United iyadoo ay wehliyaan kooxda soo gaartay wareega sideed dhamaadka Champions League xilli ciyaareedkii hore ee Bundesliga ka ciyaara RB Leipzig iyadoo ay dhameystireyo kooxda Turkiga ee Istanbul Basaksehir.

Group H oo ay kuwada jiraan kooxaha Barcelona iyo Juventus, waana group ay isaga horimaan doonaan mar kale xiddigaha xafiiltanka uu ka dhaxeeyo ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxaa ku wehlisa group-ka kooxda Dynamo Kiev iyo kooxda reer Hungary ee Ferencvaros.

Halkaan ka akhriso isku aadka oo dhameystiran:

Group A: Bayern Munich, Atletico Madrid, FC Salzburg, Lokomotiv Moscow

Group B: Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan, Borussia Monchengladbach

Group C: Porto, Man City, Oympiacos, Marseille

Group D: Liverpool, Ajax, Atalanta, FC Midtjylland

Group E: Sevilla, Chelsea, Krasnodar, Stade Rennais

Group F: Zenit, Borussia Dortmund, Lazio, Club Brugge

Group G: Juventus, Barcelona, Dynamo Kiev, Ferencvaros

Group H: PSG, Man Utd, RB Leipzig, Istanbul Basaksehir

Wareega group-yada waxaa la ciyaari doonaa laga bilaabo 20ka bishaan October iyadoo maalinta Jimcaha la shaacin doono jadwalka rasmiga ah ee kulamada wareega group-yada.