Farmaajo oo muqdisho kula kulmay xildhibanada Galmudug +SAWIRRO

1934

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay kulanka ayaa mid mid khudbado uga jeediyey madasha, kuwaas oo ka hadlay marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sida looga gudbi kara culeesyada ka jira doorashada 2020/2021-ka oo uu u haatan ka taagan yahay muran xoogan.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoonka iyo xildhibaanada Galmudug, siday ay ugudanayaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isaga oo kula dar-daamay inay sii laba jibaaraan, si Galmudug ay u gaarto horumar.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee uu shaqeynayey baarlamaanka inay u qabsoomeen shaqooyin fara badan, sidoo kalena ay ka qeyb qaadanayaan doorashada.

Si kastaba xildhibaanada Galmudug ee haatan jooga Muqdisho ayaa horey ula kulmay musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo olole xoogan ka wada caasimadda.