Madaxwaynihii Afganistan oo la ogaaday tirada lacagtii uu labaxsaday

2173

Madaxweynihii ka baxsaday dalka Ashraf Ghani Afghanistan oo la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka cararay Kabul ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu la baxsaday lacag aad u fara badan.

Safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan ayaa ku eedeeyay Ghani inuu watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii.

Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay, isagoo madaxda kale ee dalka u sheegay inuu aadayo safar shaqo.

Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanbe.