DAAWO:-Galmudug oo sheegtay inay faraha kala baxday waan waantii Farmaajo iyo Rooble

1365

Galmudug ayaa sheegtay inay faraha ka laabatay dhexdhexaadinta ay ka dhex waday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble, kadib markii dhex-dhexaadintoodii waxba ka socon waayeen.
Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa sheegay in la waayay habo yaraatee wax iskusoo dhawaansho ah, ayna madaxdu isku tanaasuli waayeen si walba oo la isugu dayay.

“Howl ciddii la rabay in ay qaboojiso ay shidayso, si loogu sii dhex jiro oo loo dhex dhexaadiyo way adkaatay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug, oo la hadlayay BBC Somali.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu tilmaamo darafka uu shirka ka socon waayay ee masuulka ahaa inuu shirku fashilmo, wuxuuna ku gaabsaday in ay cid waliba ogtahay cidda wax ka socon waayeen.

‘Annagu juhdigii iyo waqtigii aan galinay in la heshiiyo way socon waayeen, mar haddii la heshiin waayay oo wixii aan hoggaaminaynay ay burbureen, waxaan caddeynaynaa in aan bannaanka ka taagannahay, “ayuu yiri wasiir Falagle.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa sidaas oo kale horay faraha ugala baxay, kaddib markii ay socon waayeen dhex-dhexaadintii ay todobaadkii hore wadeen Lafta gareen iyo Qoorqoor.