Rooble Oo Xilalkii Ka Qaaday Xubno Ka Tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka

1278

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilalkii ka qaaday 7 xubnood oo kamid ah Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay lumiyeen madax banaanidii guddinimo, kuna milmeen siyaasadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah hoggaamiyaha Doorashooyinka dalka ayaa sheegay xubnaha xubinimada lagala noqday ay ka dhaga adeegeen digniino horey loo siiyay, uuna qarka u fuulay Guddiga xalinta khilaafaadka inay lumiyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay xubnaha bedelaya 7 xubnood ee shaqada laga eryay, isagoona uga digay Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka inay ku milmaan siyaasadda, ayna lumiyaan madax bannaanidooda.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah;

  1. Xuseen Laki Maxamed Maxmuud
  2. Axmed Siciid Samater
  3. Maxamed Faarax Xirsi
  4. Nimco Axmed Cabdi
  5. Cali Maxmed Faarax (Cali Seeko)
  6. Cabdiraxmaan Maxamed Cali
  7. Maxamed Ciise Heybe

Xubnaha uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha;

  1. Ismaaciil Maxamed Axmed
  2. Fardowsa Mataan Bulle
  3. Ayaanle Axmed Cabdulle
  4. Bashiir Axmed Yuusuf
  5. Xasan Axmed Dhicisow
  6. Axmed Barre Maxamed
  7. Maxamed Cawil Warsame