Imaaraadka Carabta oo ka jawaabay dalabkii Rooble +SAWIRRO

961

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho gaarsiisay deeq raashin ah oo loogu talagalay qoysaska ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya.

Waa deeqdii labaad oo ay dowladda Imaaraatku geyso magaalada Muqdisho muddo bil ah kadib.

Todobadii Bishii January ee sannadkan ayay ahayd markii Imaaraatku gargaar ballaaran oo raashin ah uu ku wareejiyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Imaaraatka ayaa dhawaan sheegtay in ay kodhinayso taageerada arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya, kadib markii labada dal xiriirkoodu soo hagaagay.

Rooble oo dalkaas safar ku tagay ayaa hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta iyo hay’adaha samafalka ee dalkaas kala hadlay sidii gargaar deg deg ah loola soo gaari lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Raysal wasaare Rooble ayaa intii uu dalkaas ku sugnaa raalli galin ka bixiyay xayiraad lagu sameeyay lacago Imaaraatku leeyahay oo gaaraysay ku dhawaad toban milyan oo dollar, lacagtaas oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde.