Ciidamo ilaalo u ahaa Kulane Jiis oo Airporka laguqabtay

581

Ilaalo ka tirsan Nabadsugida, gaar ahaan Ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,

Warar la helayo ayaa ayaa waxaa ay sheegayaan in Ilaalada iyagoo fasax la’aan ay ka Garoonka ka dhoofi rabeen, isla markaana  safar u ahaa Gobolka, iyagoona ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta, kunaa hubeysna qoryaha fudud.

Laba Askari oo mid ahaa illaa shan Askari oo hoos tageysay Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa la siiyay Xildhibaan C/llaahi Kulane inay ilaaliyaan, inta Xildhibaanka Ilaalo Ciidan Boolis ah ka helayo.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9aad.

Cabdullaahi Aden Kulane oo haatan ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa horey usoo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaran ee NISA, dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.