Xeer ilaalinta oo u yeertay wasiirka Maaliyada

602

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta looga yeeray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraal rasmiya oo kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud.

Wasiirka maaliyadda ayaa wax laga weydiinayaa dambiyo ku saabsan Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka, dambiyadaas oo baaristoodu uu haatan wado xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaabilsan dambiyada lidka ku ah maaliyadda iyo dhaqaalaha.

Lama caddayn nuuca ay yihiin dambiyada wax laga weydiinayo wasiirka, hase yeeshee, wasiirka ayaa la faray inuu xafiiska xeer ilaalinta tago taariikhda 27 ka june oo ku beegan isniinta soo socota.

Arrintaan ayaa kusoo aaday, isagoo wasiirka maaliyaddu maalmo dhowayd saxaafadda ka hadlay, oo sheegay arrimo ku saabsan dhaqaalaha dalka gaar ahaan bixinta musharaadka.