Nin video anshax xumo kafaafiyay gabadh dallinyaro ah oo laqabtay

238

 

Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen Sakiye Xuseen oo qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter ayaa sheegtay in soo qabashada eedeysanaha ay gacan ka geysteen shacabka oo u soo gudbiyay xogta keentay in lasoo xiro.

Eedeysanaha ayaa loo haystaa barta muuqaal uu Tiktok ku faafiyay, muuqaalkaas oo lagu arkayo gabadh dhallinyaro oo la sheegay inuu siiyay daroogo, kadibna uu tacaddi kula kacay.

Arrintaan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay, iyada oo dad badan oo baraha isticmaala ay ku baaqeen in lasoo xiro eedeysanaha oo Muqdisho ku sugan.

Barta Tiktok oo ah aalad ay si weyn u isticmaalaan dhallinyarada ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay noqotay aalad loo isticmaalo in lagusoo bandhigo muqaallada tacaddiyada iyo kuwa anshax xumada ah.