Qatar Oo Noqotay Dalkii Ugu Horreeyay Ee Koob Adduun Isago Marti Galiyay guuldaro kubilowda

214

Xulka Ecuador ayaa 2-0 uga badiyay xullka Qadar ciyaartii furitaanka Koobka Adduunka oo caawa si rasmi ah uga biloowday magaalada Doha ee waddanka Qadar.

Weeraryahanka Ecuador ee Enner Valencia ayaa dhaliyay labada gool, waxaana goolka hore oo ahaa mid rigoore ah uu dhaliyay daqiiqaddii 16-aad, halka goolka labaad oo ahaa mid madax ah uu dhaliyay daqiiqaddii 31-aad ee qeybta hore ee ciyaarta.

Qatar oo dooneysay in ay ka fogaato in ay noqoto marti-geliyii ugu horreyeay ee koobka adduunka ee laga badiyo ciyaartii furitaanka ayaa u muuqatay mid cabsi kusoo gashay, inkasta oo ay bilo u diyaar garoobaysay koobkan.

Ciyaaraha kale ee berri la ciyaarayo waxaa is arki doonaa xulalka Senegal iyo Holland oo qeybta A la wadaaga xulalka Qadar iyo Ecuador.
Qeybta B, waxaa iyaguna maanta iska horimaan doonaan dalalka England iyo Iran, halka Mareykankuna ka hortagi doono Wales.