Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke), ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.
Bakaal Kooke ayaa la sheegay in qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu marayay tuulada Suul-Alle oo 5 KM u jirta degmada Luuq.
Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay.
Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidannaa inuu ka howlgallo gobolka Gedo, wuxuuna taa badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee Muqdisho.
Dilkan ayaa imanayey saacado kadib markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ay shalay ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.
Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.
Waraka qaar ayaa sheegaya inuu siyaasigan u socday tacsida adeerkiis oo ku geeriyoday magaalada Beledxaawo, balse garoonka Muqdisho laga celiyay.
Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu didianaa NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke ee hadda geeriyooday oo gacansaar la lahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad.