DAAWO:- Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ujawaabtay Gud. Madaale

175

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si kulul ugu jawaabtay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale oo shalay weerar afka ah ku qaaday xildhibaannada mucaaradka ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaale ayaa ku eedeeyay xildhibaannadaas inay yihiin hunguri raadis, isla markaana ay ku fashilmeen siyaasadda iyo waajibaadkii loo igmaday.

Xildhibaan Hunguri raadis ah miyuu la tashanayaa Madaxweynaha?. Xildhibaanoow waxa aad siyaasad ku raadineyso ka fikir” ayuu horay u yiri guddooiye Yuusuf Madaale.

Faa’iso Jayte oo maanta hadal ka jeedisay kulanka Golaha Shacabka ayaa ku eedeysay Madaale inuu mar kasta u gefo baarlamaanka Soomaaliyeed, isla markaana uu caayo xildhibaannada, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaale hadda waxa uu gaaray inuu Idaacadihii wacdo oo uu baarlamaanka caayo, isaga iyo dad kale ayaa lacag lagu siiyaa inay caayaan xildhibaanada” ayay ku jawaabtay Faa’iso.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaale uu isagu ku fashilmay shaqadii loo igmaday, isla markaana laga rabo inuu wax ka qabto dhiiqada daadsan Muqdisho.
“Xagaa haddii uu da’o lambar 4 afar booyad ayaa la keenaa horta mala geli karo kii kale oo jaayga godad ayaa laga qoday isna lama mari karo, waay uu wax u sheegaa ceebtiisa maba is ogee hoos inuu isku fiiriyo waayay marka uu qof caayaayo” ayay ku sii dartay Faa’iso.

Waxa ay sii raacisay “Waxaa la dhahaa ninka aad kobaha ka tolaneysid waxaa la fiiriyaa kobahiisa qof nuucaas ah oo iyada dhiiqo ku dhex jirto inay maalin kasto xildhibaan caayso ma aha”.
Ugu dambeyn waxay soo jeedisay in duqa Muqdisho & dadka kale ee u gefa baarlamaanka in laga qaado tallaabo adag, si loola xisaabtamo maadaama ay gaysanayaan xadgudub.