Somaliya iyo Itobiya oo kala saxiixday heshiis cusub +SAWIRRO

5

Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhameystiray heshiis dhigaya in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ay howlgalo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Heshiiskan, oo lagu qeexay Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SOFA), wuxuu nidaaminayaa hawlgallada ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Talaabadan waxay ka dhalatay wadahadallo diblomaasiyadeed oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intii lagu guda jiray booqasho ay ku yeesheen Addis Ababa 14-16-kii Febraayo. Labada dhinac ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashiga militari.

Booqasho sare iyo wadahadallo amni

Sabtidii, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hoggaamiyay wafdi sare oo socdaal shaqo hal maalin ah ku tagay magaalada Muqdisho.

Wafdigan waxaa ka mid ahaa Safiir Redwan Hussein, oo ah madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS), taasoo muujineysa muhiimada booqashada.

Masuuliyiinta Itoobiya waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Amb. Cabdullaahi Maxamed Cali.

Wadahadalladooda ayaa diiradda saaray halisaha amniga ee gobolka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Labada dal waxay markale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, iyagoo xusay doorka muhiimka ah ee ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku lahaayeen Soomaaliya tan iyo 2007.

Xoojinta joogitaanka ciidamada Itoobiya

Heshiiskan wuxuu xoojinayaa doorka Itoobiya ee AUSSOM, isagoo dammaanad qaadaya in joogitaankooda milatari uu waafaqsanaan doono xeerarka hawlgalka. Heshiiska SOFA waxaa la filayaa inuu noqdo saldhig muhiim u ah Heshiiska Is-afgaradka Iskaashiga Difaaca, kaasoo markii hore la saxiixay bishii Diseembar 2023.

Inkastoo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer ka howlgalayeen Soomaaliya, heshiiskan wuxuu calaamad u yahay hab-raac rasmi ah oo nidaamsan.

Labada dhinac waxay si cad u xaqiijiyeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee maamuli doonta qorshe kasta oo amni oo lala galo ciidamada shisheeye, taasoo muujinaysa dadaal lagu xallinayo xiisadaha ka dhashay howlgallo militari oo hore Itoobiya si gaar ah uga fulisay Soomaaliya.

Taliyeyaasha ciidamada ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in la xoojiyo taageerada la siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, si loo hubiyo in kala-guurka amni uu si habsami leh u dhaco marka uu dhammaado hawlgalkii AUSSOM.

Iskaashiga dhinaca sirdoonka, hawlgallo wadajir ah oo argagixiso la dagaallan ah, iyo horumarinta awoodda ciidanka ayaa noqon doona tiirarka ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dal.