Gudoomiyihii Degmada Kaaraan oo xilka laga qaaday

22

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Kaaraan Md. Faarax Cadaani Maxamed.

Muungaab , ayaana guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan u magacaabay Mudane Maxamuud Cabdullaahi Cumar, oo ah nin dhallinyaro ah oo kamid ah dadka sida weyn ugu dhaw dhaw guddoomiye Muungaab .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan Maxamuud Cabdullaahi Cumar in uu mudnaan siiyo horumarinta degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

Duqa Muqdisho, ayaana tan iyo markii uu xilka la wareegay xilka ka qaaday inta badan guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, isagoona magacaabay guddoomiyaal cusub, waxaana kaliya dhima dhowr degmo oo iyana la filayo in dhawaan is beddel lagu sameeyo.