DAAWO Puntland oo tiri walaalkeena koowaad waa Itoobiya

36

Jeneraal Saciid Dheere oo kamid ah saraakiisha ugu darajada sarreysa Puntland oo xalay ka qayb-galay munaasabad loogu dabaal-degay biyo-xireenka Itoobiya ay ka sameysay wabiga Nile-ka oo ka dhacday Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka Itoobiya, isaga oo sheegay inay tahay walaalka koowaad ee ay haysato Puntland.

Saciid Dheere oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay abaal ku leedahay Soomaaliya, isla markaana markii uu ku dhacay burburka ay garab istaag u muujisay, si mar kale ay cagaheeda ugu istaagto.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dowladnimada Soomaaliya ee maanta la haysto ay saldhig u tahay Itoobiya, laakiin ay jiraan dad cadaawad dhex dhigaya labada dal, sida uu hadalka u dhigay.

“Waalaha iyaga Itoobiya ayaa Ilaahey ka sokow suurtageliyay dib u qabashada Soomaaliya, dadka sida qaldan u dhigaya oo Itoobiya cadowtinimo u abuuraya ha ogaadaano dowladnimada maanta la haysto iyagaa saldhig u ah” ayuu yiri Jeneraal Saciid Dheere.

Jeneraalka ayaa xusay in dowladda itoobiya ay qalab iyo awoodba ku garab istaagtay Soomaaliya, ayna hirgalisay dowlanimada maanta, sida uu ku sheegay khudbaddiisa.

“Sababta waxaa waayay awoodooda ayaan wax ku qabanay iyo teyna baan isu gaysanay, kadibna waa ku guuleysanaya” ayuu mar kale yiri Jeneraalku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaaliya hadii haddii uu aqli talinay waalalaha koowaad ee aan leenahay Itoobiya, annagana haddii aan nahay reer Puntland walaalka sii koowaad waa Itoobiya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan Puntland uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Dowladda Federaalka, waxaana ay u muuqataa in dabaal-degga biyo xireenka wabiga Nile ee lagu qabtay Garoowe iyo hadalkan ay ku xumaynayso xiriirka wanaagsan ee haatan Soomaaliya la leedahay Masar.

Dowladda Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar, waxaana biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragtaa halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaafka siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintaan.

Si kastaba, Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.