31 Kun oo arday oo maanta u fariisanaysa Imtixaankii horay u fashilmay

1614

Maanta oo Isniin ah ayaa Ardayda Koonfurta & Bartamaha Somaliya waxa ay fariisanayaan Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo sanadkaan fashilmay, balse mar kale Wasaaradda waxbarashada Somaliya ay qaadeyso.

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ayaa waxaa u fariisanaya arday gaareysa 31-Kun oo Arday, kuwaasi oo u diyaarsan ka qaybgalka Imtixaanka dowladda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya Maxamuud Cabdulaahi Jaabiri ayaa sheegay in si wayn loo adkeeyay nidaamka qaadista Imtixaanka islamarkaana maanta si wanaagsan uu ku bilaabanayo imtixaanka

Waxa uu beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la isla dhex maraayay Baraha Bulshada oo ku saabsan in la helay qishka Imtixaanka, taasi bedelkeedana wuxuu sheega in Imtiaanka si adag loo xifdiyay oo dowladda ay gacanta ku hayso.