37 ka tirsan askarta Amisom oo laga helay Coronavirus

1443

Waxaa dalka Soomaaliya si weyn ugu sii faafayo cudurka COVID19, taasoo la sheegay inay caqabad ku noqotay howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya.

Iyada oo aysan Soomaaliya heysan Kaabayaal Caafimaadka iyo Shaqaalo ku filan ayaa waxaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyey 1,054, iyo 51 dhimasho ah, iyadoo ay xusud mudan tahay in laba asbuuc ka hor ay tirada dadka uu cudurkaan ku dhacay ay ahaayeen 26 qof oo kaliya.

Illo wareedyo ka tirsan AMISOM ayaa wargeyska The East African u xaqiijiyey in 37 ka tirsan Ciidamada AMISOM uu ku dhacay cudurka COVID19, guud ahaan waxay kasoo jeedaan dalka Uganda marka laga reebo 7 kamid ah oo u dhashay Burundi.

37-ka askari ee ka tirsan AMISOM ee uu cudurka ku dhacay ayaa la sheegay in lagu hayo xerada Xalane, welina war lagama helin sida ay tahay xaaladooda caafimaad maadaama ay arrinta tahay mid khuseyso Militariga.

Xerada Xalane ayaa sidoo kale lagu warramayaa inay ka jirto cabsi xooggan iyo jahwareer ayada oo laga yaabo in cudurka dad kale gaaro amaba uu gaaray.

Tan iyo markii uu cudurkaan soo gaaray Soomaaliya, AMISOM ayaa hoos u dhigtay howlgalkeeda ka dhanka ah Al-Shabaab, inkastoo ay howlgal taxadar uu ku dheehan yahay ay ka wado qeybo kamid ah Gobolka Shabeelada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in cudurkaan uu yahay dhibaato loo soo diray Gaalada.