5 Xildhibaan oo lagu doortay Baydhabo

872

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, doorashada 5 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS.

Kuraasta doorashadooda ay ka dhacday Baydhabo ayaa kala ah HOP#184, HOP#085, HOP#176, HOP#046, iyo HOP#156, iyadoo ay ku guuleysteen Xildhibaanada kala ah:

  1. HOP#184: Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa ku guuleystay kursigan, isagoo helay codod gaaraya 72 cod, halka Maxamed Cabdulaahi Cali oo ahaa musharaxii la tartamayay uu heley 27 cod.
  2. HOP#085: Shariif Maxamed Cabdalla ayaa ku guuleystay kursigan
  3. HOP#176: Maxamed Mursal Maxamuud ayaa ku guuleystay kursigan, isagoo helay codad gaaraya 73 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley cod 26.
  4. HOP#046: Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku guuleystay kursigan, isagoo helay codad gaaraya 83 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Samow Cusmaan uu heley 11 cod.
  5. HOP#156: Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursigan, isagoo helay codad gaaraya 88 cod, halka Maxamed Ibraahim isaaq oo ahaa musharaxii la tartamayay uu heley 10 cod.