50 jir basaas u ahaa Alshabaab oo dil laguxukumay

123

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdisalaan Salaad Shucayb oo 50 jir ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu katirsanaa kooxda Alshabaab.

Maxkamadda ayaa ayiday xukun horey ninkaan loogu riday bishii sagaalaad ee sannadkii hore, kaddib markii uu qirtay dambi ku saabsan inuu Shabaabka u basaasay ugu yaraan 4 qof oo ay ku dileen magaalada Gaalkacyo.

Dadka uu basaasay ee lagu dilay magaalada Gaalkacyo waxaa kamid ahaa, madaxii hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Mudug, nabadoon caan ah iyo ganacsade aad looga yaqaanay Gaalkacyo.

Qareenkiisa ayaa ku dooday in ninkan loo hanjabay, sidaasna uu ku fulin jiray awaamiirta Alshabaab, hase ahaatee cudurkaas ayaanan ka qafiifin dambiga uu qirtay ee basaasnimada.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale xukunno kala duwan ku riday 3 nin oo kale oo lagu eedeeyay inay katirsan yihiiin Alshabaab, geystayna falal amni darro kuwaas oo kala ah, Abuukar Sheih Maxamuud, 15 sano oo xabsi ah, Maxamed Deeq Salaad Cabdi 20 sano oo xarig ah, iyo Ismaaciil Daa’uud Jiirow 30 sano oo xarig ah.

Xukunkooda ayaa kusoo aaday maalmo kaddib markii ay xabsiga Gaalkacyo kuyaala ay ka baxsadeen maxaabiis Shabaab ah oo ku xukumnaa dil toogasho ah.