71 Xildhibaan oo si cad u diiday qorshaha dastuur+VIDEO

95

Waxaa caawa Muqdisho ku shiray 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee BFS, kuwaas oo ka hor yimid wax ka bedelka Dastuurka’ iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada caawa shiray ayaa cadeeyey in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka.

Bayaan ka soo baxay shirka xildhibaanada caawa shiray ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

“Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa hanaanka loo bedelayo dastuurkii iyo qaab-dhismeedkii dowladeed ee heshiiska lagu ahaa, taas oo dhaawaceysa midnimada iyo xasiloonida siyaasadeed ee qaranka,” ayuu yiri Xildhibaan Gamaadiid oo akhriyey bayaanka.

Xildhibaanadaan ayaa ku doodaya in waxa socda uu yahay dastuur bedel oo aysan aheyn dastuur la dhameystirayo, iyagoo tusaale u soo qaatay qodobo badan oo lagu soo kordhiyey iyo kuwo la bedelay.

“Guddoonka BFS wuxuu ku guul-dareystay ilaalinta kala madax-banaanida hey’adaha dowladda, go’aankii golaha wadatashiga qaranka ee dastuurka ku saabsanaa ma aheyn mid loo dhan yahay, maadaama Puntland ay maqneed,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka xildhibaanada.

Guddoomiyeyaashii KMG ahaa ee baarlamaanka Senator Maxamed Gaagaab iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa kulankaan ka hadlay iyagoo sheegay in arrintaan aysan ku taageeri karin madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ugu baaqeen inuu ka joogo jidkaan uu wax ku wado.

Xildhibaan Dhabancad ayaa yiri “Maahi mucaarad, waxaan diidanahay dastuurka la bedelayo, madaxweyne waxaan ku leeyahay howlo badan ayaad qabatay ee wixii aad qabatay ha khasaarin, Soomaali in la isukeeno ayey u baahan tahay, sidaana waxaa ku kala tegay kuwii wada joogay.”

Dhankiisa Senator Gaagaab ayaa yiri, “Howsha Muqdisho ka socota maaha dhameystir dastuur ee waa dastuur la bedelayo, dhamaantiis waxaa lagu soo kordhiyey qodobo cusub ee dano gaar ah laga leeyahay, waxaan aan loo dhameyn ee socda waanu diidanahay.”