DHAGEYSO Kooxda ugu halista badan Soomaaliya

1764

Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada qalabka sidda ayaa faahfaahin ka bixiyay Kiisaskii ugu badnaa ee sanadkii lasoo dhaafay ay qabatay Maxkamadda Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in Kiisaska ugu badan ee soo gaaray Maxkamadda in ay yihiin Al-Shabaab iyo waliba Daacish oo uu sheegay in yihiin ugu halista badan Soomaaliya.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wali ay taagan tahay halista waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ah, uu sheegay in ay halis ku yihiin Nolosha Umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Kooxda ugu halista badan Soomaaliya hadda ay tahay Kooxda Daacish oo Sanadyadii ugu dambeeyay Soomaaliya kasoo ifbaxday.