DAAWO:-Qatar oo 68 gaadiidka gaashaaman ugu deeqday Ciidamada Milateriga Soomaaliya

2195

Dowladda Qatar ayaa illaa 68 gaadiidka gaashaaman ugu deeqday Ciidamada Milateriga Soomaaliya, iyadoo munaasabad kooban oo gaadiidka lagu wareejinayay ay ka dhacday Dekeda Muqdisho.

Markab weyn oo siday gaadiidkan gaashaaman iyo qalab ciidan oo maalin ka hor ku soo xirtay Dekeda Muqdisho ayaa maanta laga dajiyay agabka uu siday, iyadoo lagu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka.

Saraakiil Milateri oo ka socotay dowladda Qatar oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo kala saxiixday heshiisyo iskaashi iyo wada shaqeyn dhex mara, iyadoo Qatar ka qeyb qaadaneyso qalabeynta iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka.

Kaalinta Qatar ay xilligan qaadaneyso dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid ka dambeysay, markii Imaaraadka Carabta uu joojiyay taageeradii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo tababaro iyo qalabeyn uu siin jiray, iyadoo sanadkii hore Imaaraadka Albaabada isugu laabay Xero tababar ay gacanta ku hayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafkii dalalka Khaliijka ee Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka ugu jareen Qatar, hase ahaatee Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo maamul goboleedyada ayaa horay ugu eedeeyay inay u janjeerto dhanka Qatar oo ay ka baxday dhex dhexaadnimada.

Qatar ayaa la sheegaa inay galaangal badan ku laheyd labadii doorasho ee ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2012 iyo 2017, inkastoo saameynteeda Soomaaliya ay soo xoogeystay kaddib doorashadii 8 February 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha ay ku tageen magaalada Doxa Booqashooyin dhowr ah, halka aanay xisaab laheyn safarada uu Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin ku tago Qatar, waxaana loo arkaa inuu yahay maskaxda ka dambeysa ee bud-dhigaha u ahaa xiriirka Soomaaliya iyo Qatar.