Mareykanka oo War ka soo saaray Duqeyn ka dhacday Gobolka Hiiraan

1634

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya maalintii Arbacada aheyd, waxaana Mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen deegaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka.

24 ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi, iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah”. ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.