Gen,Madaale Oo Xil Culus Loo Magacaabay

2089

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa waxa uu wareegto kusoo magacaabay Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Ilaalada Waddooyinka (Taraafikada).

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka ayaa waxaa Loo Magacaabay Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo hore usoo noqday Afhayeenkii hore Ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliye Bashiir Ameeriko ayaa waxa uu ka dalbaday Taliyaha uu magacaabay inuu shaqo hufnaan la yimaado iyo isbadel lagu sameeyo Taliska Ciidanka Taraafikada.

Ciidanka Taraafikada ayaa howshoodii laga dareemayey Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay habacsanaan taas oo laga dhaxlay in Mashquul badan Waddooyinka ay galaan oo gaadiidka cid kala hagta ay waayeen.

Taliyaha Taraafikada Cusub General Maxamed Xuseen Madaale ayaa looga fadhiyaa shaqada loo igmaday inuu deg deg kaga soo dhalaalo.