Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada DF iyo maamulka Jubaland

1689

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay wada-hadallo u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland oo toddobaadkii tegay magaalada Nairobi,
Wada-hadalladan oo billowgooda ay ka shaqeeyeen siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, ee ay isku beesha yihiin Axmed Madoobe, ayaa la sheegaya inay meel wanaagsan gaareen, islamarkaanaa wareega labaad oo wada-hadallo ah ay ka dhici doonaan magaalada Kismaayo toddobaadka soo socda.

Xog ay heshay Wardoon.net ayaa sheegeysa in laga yaabo in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu gaaro magaalada Kismaayo, si uu u hoggaamiyo waftiga wada-hadallada ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale macquul ah in xubno u badan xildhibaano iyo wasiiro ku beel ah Axmed Madoobe loo diro Kismaayo, kuwaas oo uu hoggaamin doono wasiirka duulista iyo saadaasha hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Si kastaba waxaa macquul ah in tani ay ka carreysiiso Axmed Madoobe, maadaama la rumeysan yahay in Oomaar loo arko ninka ay dowladda Soomaaliya dooneyso inay ku beddesho Axmed Madoobe marka la gaaro doorashada Jubaland, haddii wada-hadallada ay fashilmaan.

Si kastaba, waxay u badan tahay in Kheyre uu tago Kismaayo, sida aan xogta ku helnay.

Wada-hadallada labada dhinaac, oo muddo la isku dayaye, ayaa ugu dambeyn dhaqaaqay kadib markii shir ay Garowe ku yeesheen madax goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo intii lagu guday jiray caleemo saarkii Siciid Cabdulahi Dani.

Qorshaha socda ayaa ah in heshiis ay gaaraan dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ka hor inta uusan qabsomin shirka bisha March loo ballamay ee Garoowe ku dhex-maraya dowladda iyo dowlad goboleedyada.