DAAWO: Muuse Biixi oo Weeraray Farmaajo

1742

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay qaar ka mid ah Shacabka kunool degaanada maamulka Somaliland ayaa ayaa ka hadlay Wadahadalada Somaliland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo mid aan ku dhaqmin Dastuurka, islamarkaana ku jira Xaalad Go’doon ah.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweynayso Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana ay kala tashan doonaan shacabka degaanada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan laga tanaasuli doonin Madaxbaanida Somaliland.