NISA oo la wareegtay Madaxtooyadii hore Galmudug ee Cadaado

1628

Sidda ay Wardoon.net u xaqiijiyeen wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug ciidanka NISA qeybta Galmudug ayaa Caawa dagaal kula wareegay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee ku taala magaalada Cadaado.

Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA, waxaa howlgalkan ku wehliyey ciidanka Kumaandoosta Danab qeybta 21aad.

Ciidamo degaanka ah ayaa muddo sanad ku dhow gacanta ku hayey Madaxtooyada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixisay amarka ciidankeedu kula wareegeen Madaxtooyadda Galmudug ee Cadaado.