Shirweynaha Haweenka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho + sawirro

1705

Shirweyne Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed oo socon doona muddo saddex maalmood ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirweynaha waxaa ka qeybgalaya oo goobjoog ka ah Marwada Madaxweynaha Seynab Macalin, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka ahna kusimaha gudoomiyaha Mahad Cabdalla Cawad, Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Shirweynahan ayaa lagu wadaa in loogaga doodo arrimo kala gedisan oo ku salaysan horumarinta Haweenka, waxaana lagu soo beegay maalmo kahor munaasabada maalinta haweenka adduunka ee 8da Maarso.

Hase yeeshee waxaa uu shirkan ku soo beegmay iyadoo khilaaf uu ka dhex jiro Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan labo garab u kala jabay.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa eedeyn u jeedisay Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.