Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay waqtiga ay dhaceyso doorashada Galmudug

1630

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxda maamulka Galmudug iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa iclaamiyay in doorashada madaxtinimada Galmudug ay dhaceyso Bisha July ee sanadkaan 2019.

Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug ay soo martay marxalado kala duwan oo khilaafaad ah, islamarkaana wuxuu sheegay in doorasada ay ku rajo weyn yihiin inay ku dhacdo waqtiga rasmiga ah ee loo qorsheeyay.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray, isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb, hayeeshee xal laga gaaray.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in Khilaafka Galmudug xalinteeda ay tahay mid u wada yaala madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug, isaga oo sheegay inay dadaal badan sameyn doonaan ka hor doorashada Galmudug.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayay mowqifka dowladda ee doorashada Galmudug, isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu cadeeyey mowqifka dowladda iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Galmudug.

Hoos ka dhageyso Codka Wasiirka arrimaha gudaha.