Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Saldhigyada Booliska Muqdisho

1755

Waxaa caawa isbedel lagu sameeyay Taliyeyaasha qaar ka mid ah Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, halka kuwo kalena laga wareejiyay degmooyinka ay ka shaqeynayeen.

Taliyayaasha cusub ee la soo magacaabay ayaa badankood ah dhalinyaradii Taliyeyaasha ka eheyd Nabadsugida degmooyinka Muqdihso, kuwaasoo dhawaan lagu biiriyay Ciidanka booliska, waxaana in dib degmooyinkoodii loo soo magacaabo ka shaqeeyay Taliyaha qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Hoos ka akhriso magacyada taliyeyaasha cusub

1- Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.

2- Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay Shuceyb Abdi.

3- Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha .

4- Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Hodan.

5- Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.

6- Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaaraan.

7- Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.

8- Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.

9- Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaxda

10- Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar weyne.

11- Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.

Magacaabista Taliyayaashan cusub, ayaa ku soo aaday Saacado kadib weerarkii Shabaab ay ku galeen dhismaha Wasaaraad Shaqada iyo Shaqaalaha Soomalaiya, halkaas oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 15 qof, halka ku dhowaad 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Shabaabka weerarka qaaday oo tiradooda lagu sheegay 5 ayaa dhamaantoodba la toogtay, waxaana sawirran la soo bandhigay ay muujinayaan dableyda weerarka qaaday oo wadatay dharka Ciidanka booliska noocyadii u danbeeyay.

Saraakiishii Nabad Sugida oo ka faa’ideysaneysa weerarkii maanta ayaa Saldhigyada Caasimada ku safay dhalinyaro aan khibrad badan u leheyn arrimaha booliska, kuwaasoo ahaa Ciidankii NISA ee laga tagay, iyadoo aan la ogeyn isbedelkan cusub waxa uu ku soo korhdin kara amni darada baahsan ee ka jirta Muqdihso.