Senator Ayuub “Gudoonka Golaha Shacabka waa inay joojiyaan Xifaaltanka ay kula jiraa Aqalka Sare”

1603

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeysay khilaafka u dhexeeya labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo keenay in Aqalka sare ay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay xarunta Aqalka Sare ayuu ku sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay ka meer meerayaan sidii loo dhameyn lahaa mad-madowga ka dhex jira labada Aqal.

Senator Ayuub Ismaaciil ayaa tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiiin xal ka gaarista arintan, maadaama shaqada hortaala ay tahay mid mug weyn oo ay qeyb ka tahay sidii sharciyadii dalka loo hagaajin lahaa.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu qoray Guddi uu u xil saaray arrinta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka in xal laga gaaro, wuxuuna u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, wali qeybtii kale ee Golaha Shacabka wax dhaq dhaqaaq ah mey muujin taasoo muujineyso iney rabaan inay sii huriyaan khilaafka jira ee labada Gole” ayuu yiri Senatorka.

Ugu dambey Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ka dalbaday Guddoonka Golaha Shacabka iney qaataan go’aan dhab ah oo ku aadan xal u helida arintan, meeshana ay ka saaraan xifaaltanka ay kula jiraan Aqalka Sare, si guulo looga gaaro dhameystirka xeerarka harsan iyo u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka.