DAAWO: Farmaajo “waxaana haysata dhaqaalo xumo baahsan”

1659

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jira ay ka mid tahay dhaqan xumo siyaasadeed, isagoo ka dhawaajiyay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin.

Isagoo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay heysato faragelin shisheeye.

“Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo Madaxweynuhu aanu cidna si gaar ah uga carabaabin, hadana hadalkiisa waxaa laga dareemayay inay jawaab u yihiin dhaq dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi, halkaasoo Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula shirsan yihiin Beesha Caalamka, sidoo kalena siyaasiyiin xilal soo qabtay iyo qaar ka mid ah Axsaabta siyaasadda ayaa iyana shir ku leh Nairobi.