“Duminta Waxaa Kow Ka Ah In Dalka Dibaddiisa Lagu Shiro Oo Siyaasad Looga Hadlo”+VIDEO

1890

La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta ku shiray magaalada Nairobi ay doonayaan inay dowladnimada dumiyaan, isagoo xusay in aysan dooneyn xal, balse ay u hormuud u yihiin carqalad iyo burburin.

“Arrinta Nairobi iyo shirka ka dhacay duminta waxaa kow ka ah dalka dibadiisa in lagu shiro, ee siyaasad looga oo la dhaho dalkeena cabasho ka nahay, madaxda dhibaatadan wadaan, waa runtii shir dowladnimada looga soo horjeedo”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku shiray Nairobi ay doonayaan in Xukuumadda meesha laga saaro, isla markaana la qarbudo dowladnimada sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshii wanaagsaneyd cagta saari maayaan, meeshii lagu jabaayo oo qarbudaad ah ayay tilmaamayaan”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Waxaa uu sheegay inay aheyd siyaasiyiinta ku shiray Nairobi inay ka hadlaan nidaamka doorashooyinka, sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo dagaalka Argagixisada

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda hada jirta ay leedahay muddo xileed afar sano ah, haatan ay dhamaatay labo sano.