Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo kadib safar qaatay mudo oo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka keynya
Madaxweynaha oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi uu kula kulmay madaxda beesha caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waxa uu sheegay in ay isla garteen madaxda beesha caalamka in Galmudug la siiyo taageero buuxda hadii aay ahaan laheed dhanka dhaqaalaha iyo amnigaba
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Madaxda Dowlada Federaalka ugu baaqay in aay dadka iyo dadka u naxaan waxa uu sheegay in dhawaan shir garoowe lagu qaban doono ayna ka qeyb gali doonaan waxa uu intaas ku daray in dalku uu u baahanyahay badbaado waxa uu alle uga baryay umada soomaaliyeed in ilaah roob siiyo madaama dalka ay abaar ba’ani ka jirto.