Maxkamada Racfaanka oo siidaysay shaqaale dekeda Muqdisho ka shaqeynayay iyo ganacsade+SAWIRRO

1638

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay dacwad loo heystay Saraakiil katirsan dekada Muqdisho iyo ganacsade, kadib markii la horkeenay Maxkamada Gobolka Banaadir.

Maxkamada ayaa saraakiil ka tirsan Dekadda Muqdisho iyo Ganacsade u Xukuntay in ay wax dambi ah galin kadib markuu ku guuldareysteen Xafiiska Xeer ilaalinta in ay maxkamadda horkeenaan cadeymo ku filan in lagu helay eeda ay hore u soo jeediyeen muwaadiniintaas.

Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin Axmed Cabdullaahi Samow, Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geele,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaas oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha.

Maxkamada ayaa 5-Eedeysane Amartay in xuriyadooda dib loogu celiyo Halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada 1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan. Sida soo qabasho ama Baafintii IWM.