DAAWO:-Xildhibaan Dhakool “18-May waxaa leh Beesha SNM

1582

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland, Kana soo jeeda Gobolka Sool oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa kasoo Horjeestay Xuska 18-ka May.

Dhakool ayaa sheegay in 26-ka June ay ka Mudan tahay in la Xuso 18-May, Wuxuuna sheegay in 18-May ay gaar u tahay Beesha SNM, Wuxuuna sheegay inay ku Cabirayso dareen u gaar ah, Wuxuuna xusay in Beelaha kale ay u yaqaaniin Maalin madow, Sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kasoo horjeestay Xaalada degdega ah ee lagu soo Rogay Gobolka Sanaag, Wuxuuna xusay in Gobolka Sool horay u ahaa Xero ciidan, Hadana hadii Sanaag lagu daray lagu daali doono.

Dhinaca kale wuxuu ka jawaabay hadal kasoo yeedhay Faysal Cali Waraabe.